Uncategorized

Tirada dhimashada weerarkii Nairobi oo gaadhay 59,Laba Boqol oo ku Dhaawacantay iyo Kun Qof oo la soo Badbaadiyay

Nairobi 22.Sep 2013 (SDN)- Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Joseph ole Lenku ayaa sheegay in howlgal si taxadar leh loo fulinayo uu wali socdo si loo soo daayo dadka lagu haysto xarunta ganacsiga Westgate oo shalay ay weerareen rag hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Westgate-300x20059 qof ayaa ilaa hadda la xaqiijiyay inay ku dhimatay weerarka, 1,000 qof ayaa ilaa hadda laga soo badbaadiyay dhismaha.

In ka badan 200 oo qof ayaa ku dhaawacantay weerarka sida uu sheegay xog-hayaha guud ee ururka laan-qeyrta cas ee Kenya, Cabbaas Guuleed.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday Westgate.

Wasiirka arrimaha gudaha wuxuu sheegay in ciidanka ay la wareegeen dabakha afaraad ee dhismaha, iyadoo dableyda lagu hareereeyay qeybaha hoose ee dhismaha.

Tiro aan la garanayn oo dad ah ayaa wali ku xanniban dhismaha, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka ee dowladda Kenya.

Nairobi SDN.

Qurbejoog.com