|

Gabadh Da’yar Oo Ku Guulaystay Kaalinta 1aad Ee Imtixaankii Shahaadiga Ah Ee Dalka Masar

Qaahira 21. July 2017 (SDN/QJ):- Ardayda wax ka barata Dugsiyada dalka Masar ayaa waxay u tartamaan sidii ay u keeni lahaayeen dhibco sare marka ay u fadhiistaan imtixaanka shahaadiga ah ee Dalkaasi.

Haddaba, gabadh magaceeda la yidhaahdo Maryam isla markaana Da’deedu tahay 17 jir ayaa waxay ku guulaysatay inay keento 99%, Maryam oo guusha ay gaadhay ka hadlaysa ayaa waxay tidhi “Waxa ila soo hadlay mid ka mid ah qaraabadayda waxaanu ii sheegay in aan keenay 99% aanan ka mid ahay ardaydii ugu saraysay imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Dugsiga sare waxa aanu ii sheegay in aan ahay ardayadii ugu saraysay ardaydii Bariga Qaahira ilaa iyo haatana ma xaqiijin karo arrinta la shaaciyay ee ah in aan anigu ugu sareeyay guud ahaan Dalka Masar, waxa aanan dadka oo dhan u sheegayaa in aanan anigu lahayn guushaasi, balse ay iska leeyihiin labadayda waalid”.

Guusha ay gaadhay Maryam ayaa waxay u astaysay labadeeda waalid oo soo koriyay soona barbaariyay kuna dedaalay inay noqoto gabadha ay dhaleen inay noqoto aqoonyahanad, akhlaaq leh, guusha uu ardayga u fadhiista imtixaanka uu gaadha waa mid had iyo jeer farxad galisa waalidka.

Comments are closed