Hargeysa Mar 23,2012(SDN)-Madax iyo Mas’uuliyiin ka tirsan urur siyaasadeedka Wadani ayaa Maanta Magaalada Ceerigaabo ugu sameeyay xaflad balaadhan Sadex boqol iyo Shan iyo Labaatan Xubnood oo ku soo biiray Ururka Wadani.
Waxaa munaasibadaas hadalo ka soo jeediyay Maayar ku Xigeenka Caasimada Hargaysa Maxamed C.laahi Uurcade iyo Axmed Cali Ubaxle oo ka tirsan Hogaanka sare ee Urur Siyaasadeedkan waxaanay faahfaahin ka bixiyeen Mabaa’diida uu ururkooda sal dhiga u ah oo ay ku sheegeen ilaalinta Midnimada dhuleed iyo wada jirka ummada Somaliland waxaa kale oo ay xuseen in ujeedadoodu tahay sidii ay Jamhuuriyada Somaliland aqoonsi uga heli lahayd dunnida inteeda kale ,isla markaana ay la dagaalami doonaan Saboolnimada korna ay u qaadi doonaan Waxbarashad.
Maayar ku Xigeenka Caasimada Hargaysa Maxamed C.laahi Uurcade ayaa ku nuux nuuxsaday in Socdaalkoodan oo ay ka soo bilaabeen Gobolka Awdal isla markaana ay ku soo mareen Maroodi jeex, Saaxil, Togdheer iyo Sanaag oo ay ku sugan yihiin uu salka ku hayo sidii ay Gudida Diiwaangelinta ugu soo bandhigi lahaayeen Taageerada xoogan ee ay ka haystaan shacbiga Somaliland waxaanu maayar ku xigeenku intaasi ku daray in Urur Siyaasadeedka Wadani uu yahay mid u dhexeeya ummada Somaliland isla markaana aanay jirin Cid gaar u sheegan karta, kaas oo ku shaqaynaya sida uu cadeeyay doonista iyo rabitaanka ummada waxaa kale oo uu intaas ku daray inay soo dhawaynayaan cid kasta oo ku soo biirta urur siyaasadeedka Wadani .
Raxma Jaamac Xirsi oo sheegtay inay tahay Gudoomiyihii Degmada Ceerigaabo ee Xisbiga Udub isla markaana ku hadlaysay afka taageerayaashan u soo digo rogtay urur siyaasadeedka Wadani ayaa sababaha ku dhaliyay ku soo biiristooda ku sheegtay inay u arkeen Ururka Wadani mid ka dhabayn kara yoolka uu qarankani higsanayo waxaanay Xustay inay ururkan hogaamintiisa hayaan Mas’uuliyiin danta qaranka u heegan ah waxaanay Tusaale u soo qaadatay Gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Urur siyaasadeedka Wadani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro.
Raxma jaamac Xirsi waxay intaas ku dartay in laga bilaabo maanta ay taageero hiil iyo hooba leh la garab joogaan urur siyaasadeedka Wadani.
SDN-Hargeysa
