Hargeysa Mar 23,2012(SDN)-Agaasimaha waaxda arrimaha bulshadda iyo caafimaadka ee dawladda Hoose ee Hargeysa Khadar Yuusuf Cali, ayaa Maanta ka hadlay halka uu u marayo hawl-galka ay ku banaynayaan jidadka caasimadda iyo qorsheyaasha ay ku hagaajinayaan bilicda caasimadda.
Agaasimaha oo u waramayay saxaafadda ayaa ka xog waramay waxyaabihii uga soo baxay hawl-galadan ay ku banaynayeen Jidadka Caasimada waxaanu Xusay inay ku Guulaysteen inay baneeyaan 95% ,Gaar ahaan Badhtamaha Suuqa Caasimada, waxa uu agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada iyo Caafimaadka ee dawlada hoose ee Caasimadu iftiimiyay inay Saxmadii Xooganayd ka yaraatay Suuqa,taas oo fudaydisay isu socodka dadka iyo gaadiidka waxaanu sheegay inay aaminsan yihiin inay isbedel weyn ka sameeyeen banaynta wadooyinka iyo kor u qaadka bilicda Caasimada
Khadar Yuusuf Cali wuxuu ku dooday in olaleyaasha ay wadooyinka ku baneeyeen ay yaraysay shilalkii gaadiidka ee magaaladda dhexdeedda ka dhici jiray,isla markaana ay hoos u dhigtay Tuugada khatarta geliya nolosha dadka.
Agaasimaha arrimaha bulshadda iyo caafimaadk dawladda Hoose wuxuu shirkadaha isgaadhsiinta iyo kuwa laydhka ugu baaqay inay dadka ka basriyaan waayiradda laydhka iyo kuwa isgaadhsiinta ee sida xun ugu xidhan wadooyinka suuqa dhexdiisa. Agaasimuhu wuxuu intaasi ku daray inay tallaabo adag ka qaadi doonaan shirkadihii u hoggaansami waaya awaamiirta lagu horumarinayo bilicda caasimadda.
Agaasimahani waxaa kale oo uu sheegay in wadooyinka la baneeyay la dhigi doono Mar-Mar ,isla markaana mulkiileyaasha meheradaha lagu amray inay rinji cusub mariyaan dhismeyaasha ku teedsan wadooyinka faras-magaalaha, waxaanu intaas raaciyay inay dib u habayn balaadhan ku samayn doonaan Istaamada Gaadiidku ka baxaan oo si qaab daran u dhiga goobaha ay dadweynuhu la raacaan .
Sidoo kale, wuxuu Agaasimuhu u soo jeediyay Gaadiidka waaweyn ee u baxa miyiga inay ku ekaadaan istaamadooda oo aanay suuqa dhex marin maalintii.
SDN-Hargeysa
