|

Ururka Al-Saadicuun Bilxaq ee Soomaaliya iyo Masar lagaga dhawaaqay oo laga Mamnuucay Dhulka Puntland

Garoowe 17. April 2017 (SDN/QJ):- Kulan ka dhacay magaalada Garoowe, ayaa looga soo horjeestay Koox-Diimeed-ka Saadicuun Bilxaq oo dhawaan looga dhawaaqay qaybo ka mid ah Soomaaliya oo ay ku jirto magaalada Garoowe.

Waxaa ka qayb-galay kulankan Maamulka gobolka Nugaal, Taliyayaasha Ciidammada Amniga Puntland oo ay ku jiraan kuwa qaabbilsan La-dagaallanka Argaggixisada iyo Madax sar-sare oo ka tirsan Maamulka.

 

“Gobolka Nugaal waxaa laga mamnuucay urur diimeedka Takfiir iyo kan hadda la magac baxay ‘Saadicuun-bilxaq’, laakin annagu aanu u naqaan-no l-saariquuna bilxaq,  kuwii xaq-qa xaday.” ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdillaahi Faraweyne.

 

Farawayne waxa uu intaas ku daray; “Alsaariquuna Bilxaq ‘ waxa uu kamid noqonayaa burcad diimeedka dagaalka  ay kula jirto Puntland sida Al-shabaab iyo Daacish ,waxaana shacabka laga codsanayaa in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka,  soona sheegaan meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan kooxdan.”

 

Waxa uu Faraweyne sheegay in laanta la dagaalanka argagaxisada amar lagu siiyay in ay soo qab-qabtaan cid kasta oo ka tirsan kooxda “Saadicuun bilxaq”,waxaana uu sheegay in Garowe ay mamnuuc ka tahay in looga dhawaaqo koox diimeed aan sharciga waafaqsanayn.

 

Ururkan oo ka soo farcamay Ikhwaanul muslimiinka dalka Masar ayaa qaba in dowladaha Islaamka ay shacabkooduba ay yihiin ‘gaalo’ sida uu sheegay Shiekh Maxamed Cabdi Umal oo dhawaan qabtay Nadwo uu kaga hadlayay taarikhda kooxdan.

 

Ururka oo laba garab u qaybsan ayaa mid kamid ah xaruntiisu ay tahay degmada Qardho ee Puntland ,waxaana ololaha lagu qab-qabanayo xubnaha ka tirsan ururkan horey ugu dhawaaqay Somaliland.

Comments are closed