|

Sida Ay U Dhacday Munaasabadii Uu Xilka Kula Wareega Gudoomiyaha Gobolka Banaadir DAAWO

Muqdisho 17. April 2017 (SDN/QJ):- Waxaa xarunta gobolka Banaadir lagu qabtay munaasabad balaaran uu xilka kula wareegayay Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Thaabid Cabdi Maxamed oo xilkaasi dhawaan loo magacaabay.

Munaasabada xil wareejinta waxaa kasoo qeyb galay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Somaaliya Xasan Cali Kheyre, Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya, Xildhibaano katirsan labada Aqal iyo masuuliyiin kale.

 

Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in maamulkiisa uu wax badan qabtay intii uu xilka hayay ayna dhiseen wadooyin badan, waxa uuna ugu baaqay Gudoomiyaha cusub in halkeeda howsha laga sii wado.

 

 

Munaasabada waxaa sidoo kale ka hadlay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Thaabid Cabdi Maxamed, waxa uuna ku amaanay Gudoomiyihii hore shaqada uu soo qabtay, waxa uuna balan qaaday in howsha halkeeda uu kasii wadi doono.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo gabo gabadii ka hadlay Munaasabada xil wareejinta ayaa sheegay in amniga Muqdisho uu soo hagaagay wax badana laga qabtay, waxa uuna ka codsaday Gudoomiyaha cusub ee gobolka in uu la yimaado wax qabad muuqda.

Comments are closed