Uncategorized

Ururka Al-Shabaab Oo Sheegay Inay La Dagaalami-doonaan Xukuumadda Uu Soo Dhisayo Raysal-wasaaraha Cusub Ee Somalia

Muqdisho Oct 08,2012(SDN/Hubaal) – Ururka Al-Shabaab ee Dagaalka kula jira Ciidammada Soomaaliya iyo kuwo ajaanibka ah ee taageeraya, ayaa ka hortimid Raysal-wasaaraha cusub ee loo magacaabay Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo soo dhisaya xukuumadda Somaaliya ka saarta dhibaatada mudada dheer ka taagan.

Ururka Al-shabaab, waxay sheegtay in Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya la mid yahay kuwii ka horreeyay, isla markaana ay keeneen dawladaha reer galbeedka ee danaha siyaasadeed ka leh dalka colaaduhu naafeeyeen ee Soomaaliya.

Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa sheegay inay la dagaalami doonaan xukuumaddiisa ilaa inta ay ka ridayaan, maadaama buu yidhi ay keensadeen dawladaha reer galbeedka.

Sheekh Cali Dheere oo arimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Raysal-wasaaraha cusub waxba kama duwana kuwii ka horreeyay”

Afhayeenka Al-shabaab, waxa uu sheegay in guud ahaan masuuliyiinta Soomaaliya ay keeneen dawladaha reer Galbeedku “Dhammaantoodna waa kuwo ay reer galbeedku keeneen (Soomaaliya)” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay inaanu waxba ka beddeli karin xaaladda Soomaaliya “Waxba kama bedeli karo xaaladda Soomaaliya”

Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) waxa uu ballanqaaday inay la dagaalami doonaan xukuumadda Raysal-wasaaraha Soomaaliya soo dhisi doono, waxanu yidhi; “Waanu la dagaalami doonnaa illaa inta aanu xukuumaddiisa ka ridayno.”

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com