Uncategorized

Xidhiidhada Ciyaaraha Fudud iyo Kubadda Cagta oo Ka Hadlay Dhaqaale Lagu Eedeeyay In Masuuliyiinta wasaaradda Ciyaaruhu Musuqeen

Hargeysa Oct 08,2012(SDN/Hubaal)-Masuuliyiinta Xidhiidhada Kubadda Cagta iyo Ciyaaraha Fudud ee Somaliland ayaa Jawaab ka Bixiyay War laga baahiyay Wasaaradda Ciyaaraha oo la xidhiidha musuq maasuq wasiirka ciyaaruhu ka sameeyay dhaqaale loogu talo galay in lagu qabto Ciyaaraha gobollada ee dalka ee sanadkan aakhirkiisa ka qabsoomi doona dalka.

Guddoomiyaasha xidhiidhada ciyaaraha fudud iyo kubadda cagta oo war qoraal ah ka soo saaray magaalada Hargeysa ayaa Beeniyay arrintaasi, waxaanay sheegeen in Dhaqaalaha lagu qabanayo Ciyaaraha dalka ay bixisay Hay’adda Mercy crops, isla markaana ay soo marisay Dallada Sonyo, halka dalladaasina ay u xil saartay iyaga, balse aan masuuliyiinta wasaaraddu wax shaqo ah ku lahayn. War murtiyeedkaas ay soo saareena waxa uu u dhignaa sidan:

“Annaga oo ah Mas’uuliyiinta Wasaarada Dhalinyarada, Ciyaaraha ee Qaybaha Kubadda cagta & Ciyaaraha Fudud, waxaanu si wada jir ah halkan ugu beeninaynaa aadna uga biyo diidsanahay shacbi waynaha reer Somaliland-na ogeysiinaynaa in Go’aankii Wasiirka Wasaarada Dhalinyaradda & Ciyaaraha uu ku hoos geeyay Xidhiidhada Ciyaaraha kala duwan Wasaarada in aanuu salka ku hayn Musuq maasuq, balse ay tahay Go’aan uu talo badan ka sameeyay Wasiirku anaguna aanu ku raacnay una aragnay wakhtigan hada lagu jiraa in laga bixi karo.

Hadaba Arintan ayaa fajac iyo ama kaag nagu noqotay in   Lacag ay Hay’ada Mercy Corps soo marinaysey Dallada dhalinyaradda SONYO uu sheegay wargeysku in asalka lacagtu ahayd $25,000, ay Xidhiidhada soo gaadheen hawshana ku fuliyeen $14,000 isaga oo wargeysku yidhi $11,000 kun oo kalena waxaa lunsaday Wasiirka & Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.

Waxaanan cadeenaynaa anaga oo ah Masuuliyiinta Hawsha Fulisey in Asalka lacagta Rasmiga ah ay ahayd $17,000 kun siday u dhan tahayna ay noo soo wada gaadhey, wax door ahna aanay ku lahayn Masuuliyiinta Wasaarada Ciyaaruhu iyadoo Hay’adda Mercy Corps ay lacagtaas soo marisay dallada SONYO si warkaas loo xaqiijiyana waxaa la waydiin karaa isla dallada SONYO.

Hadaba waxaa wax aad loola yaabo ah Masuuliyiinta Maamuuska & qadarinta ka mudan dalka in lacagtaas intaas oo jaranjaro soo martay loo nisbeeyo, taas oo iyana laga yaabo inay xagal daaciso dedaalka ay ugu jiraan masuuliyiintani derder galinta hawlaha qaranku u igmaday, waxaanan lee nahay arintani noqon mayso mid wax u dhinta dedaalkiina.

Sidoo kale waxa  Masuuliyiinta Wasaarada lagu eedeeyay in ay rabaan inay musuq maasuq sameeyaan xiliga fooda inagu soo haya ee Ciyaaraha Goboladda, waxaanan arrintan naga filan inaan ka nidhaahno Masuuliyiinta Wasaaradu waa kuwo u badheedhay iyadoo dalku markaa ka baxayo doorashada Goleyaasha Degaanka in hawshaasi ay qabsoonto si aanay sanadkan dib uga dhicin, taas oo noqon doonta taariikhda ciyaaraha Somaliland in sanadkii labaad si xidhiidh ah ciyaaraha Gobolada Dalka ugu dhacaan magaalooyinka dalka gudahiisa oo ah mid aan horey u dhicin.

Gabagabadii waxaan kula talin lahayn ma xumo in wax la dhaliilo, balse dhaliishu waa inaanay noqon mid ka baxsan anshaxa iyo akhlaaqda wanaagsan ee qofka Muslimka ah laga rabo.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com