Garoowe Dec 10, 2014(SDN/QJ)-Ururka Suxuufiyiinta Puntland MAP ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay canbaareeyeen falal caburin ah oo lagula kacay bahda saxaafada ee ka hawlgasha degaanada maamul goboleedka Puntland, sidaana waxa lagu sheegay qoraal sidan u dhignaa:
Ururka Suxufiyiinta Puntland ee (MAP) waxaa uu si weyn u canbaareynaya falkii handadaada ,caga-Jugleynta iyo cabsi gelinta uu maamulka Puntland mudooyinkan dambe ku hayo saxaafada madax banaan ee ka howl-gasha gudaha deegaanada Puntland.
MAP waxay ku tilmaamtay falkan mid nasiib daro ah oo mugdi gelinaya madaxbanaanida saxaafada Puntland iyo guud ahaan xor u hadalka “Waa Nasiib daro in Taliye Ciidan uu handado Weriye,waana talaabo ka hor imaneysa Dastuurka Puntland, madax banaanida Saxafada iyo guud ahaan xor u hadalka, waxaan ugu baaqeyna Dowlada Puntland inay ka feejignaato falalka noocan oo kale ah ee khatar-ta ku ah saxaafada iyo Madax banaanideeda” Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Puntland Faysal khaliif ayaa sidaas yiri.MAP waxay ka welwelsantahay sida ay xowli ugu socdaan falalka handadaada iyo cago-jugleynta isugu jira ee warbaahinta madaxa banana ay kala kulmayaan hey,adaha kala duwan ee Dowlada mudo ka yar afar bilood, waxaa si aan waafaqsaneyn sharica loo xirey labo weriye, waxaa sidoo kale Culeys lagu saarey Shirkada Isgaadhsiinta ee Golis inay xanibaad ku sameyso shan website oo kala ah Puntlandtoday.com Puntlandnow.com, Puntlander.com, Galgalanews.com iyo Jidbale.com iyadoo aan la waafajin qaanuun xayiraada lagu sameeye websityadaasi.Ururka Suxufiyiinta Puntland waxaa uu markale cod dheer ugu baaqaya Dowlada Puntland inay ilaaliso madax banaanida saxaafada ,xor u hadalka iyo inay weriyayaasha u ogolaato inay noqdaan kuwo u madax banaan shaqadooda oo aan welwel iyo cabsi lagu abuurin.
Guddoomiyaha Ururka Saxfiyiinta Puntland
Md Faysal Khaliif Barre
