Waxaa aan marka hore salaamayaa Dhaamaan saxaafada xorta ah iyo Akhriistayasha sharafta leh
Salaan kadib waxaa aan rabay in aan wax yar ka idhahado wixii Shalay ka dhacay xafaladii furiitanka SONYA taso sii Sharafta ka Baxsaan logu weraaray mujhiid Boobe yusuuf Ducaale oo ah mujhiid weyn ,Basle aay ku qeyliyeen Koox Wasiiro ah oo Madaxweyne silaanyo hor Kacayeey ,kuwaso uu kow ka ahaa Wasiirka la magaca Baxay HAAKAH SUGTADA oo ah Wasiirka Maaliyaada oo sii miligaha Siyaasada ka Baxsaan ula hadalay Mujhiid Boobe ,waxaa wax lala Yaabo ah in Guddiida Qabanqabada xaflada wax lagu Sheegay dhaliinyarada SONYA aay kala Bakhayleen in Mickriifoonka markiisaa la siyoo Mujhiid Boobe basle loga dhartay Tasiina aay noqonayiso Dhaqan inaagu cusub masraxa Siyaasada dalka , wasiir Haakah oo in Badan ku Hadlayeey mikrfoonka ayaa Hadaladdisii Waxaa ka mid ahaa ,Anigu shaqsi werar ma ahii ee Waxa aan ahay Mid ka hadlaya Masiirka ummada,, basle tasii kama Muuqaan goobta ,waxaa kale oo Wasiir HAAKAH ka Hadlaay oo uu Dhawr jeer ku celceliyeey miisaaniiyada dalka oo uu ku sheegay ,250,milyan laakiin kamuu bixiin wax tafasiil ah e duuduub ayuu sheegay ,Isaga oo iska indho tiiraya Dhibka dalka ka jira iyo sidaa Ummadu uu Raadiinyso in wax lo Qabto balse ,Miisaanyiada wasiir HAAKAH waxa aay tahay uun wax dadka dhagaha logu riidayoo oo aan ahayn waa jira baa ,wasiir HAAKAH waxa uu sii toos ah Ugu yidhii Mujaahiid Boobe ,,waxaa aad sheegta Been ee dadka Beenta ka daa,,,waa Hadaladii ka soo yeedhay Waasiir HAAKAH Laakiin beenta uu Sheegayeey mu arkayn Wasiirku.
Geesta kale Mujaahiid Boobe ariintanii isaga Waxaa aay uu tahay GEESNIMO sababto ah Waa nin laga Baqay in Goobta lagu Soo dhaweeyo oo Mikirfoonka la siyoo ,Mujhaaidku waa ,,Shagle laga baqay ,,Wasiir HAAKAH waxaa uu Hadalkiisa ku daray in Uu madaxweyne Silaanyo dalka Xukuumo ,Basle uu wasiirku Sheegay ama Cadeeyaay in Weli aay Tagantahay Hadalkii ahaa Madaxweyuhu dalka ma Xukuumo, oo Isaga iyo Kooxda kumiye Shacabka ka Dhaadhaciin kari Wayeen in Madaxweyne Silaanyo dalka xukuumo ,Waxa jirta sida laga Wada ogyahay in Maanta Somaliland meel Welba laga so Xidhay weliba-na aan Ku sheego halka hoose.
a) hawadii dalka oo lala wareeegay
b) goboladdii awadal oo xaaladoodu xuntahay
C) war bixiintii HUMAN RIGHT-ka sannadkan oo ka war bixiisay in aay meel xun gaadhay xallaada somaliland
d) boobka hantida ummada oo la xaraashayo sii foolxun
e) tahriibka oo cirka isku shareeray
f) siyaasad xumida dalka oo meel xun gaadhay iyo nidaam la*aanta
Wasiir hakaah waxaa oo Dhan uma Muqadan ee waxa uu arka Uun sidii uu Silaanyo hortisa ugu Laaqiimii lahaa Wixii uu well-gii Ba sheegii jiray ,Waxaynu wada Ognahay wasiir HAAKAH in uu Yahay wasiirka uuu Guulwadeynt Badan silaanyo Xukummadisa
Wasiir HAAKAH waxaa Hadaladiisa kaa mid ahaa in uu Boobe ku Sheegay qabiiliiyastee basle uu isagu ka mid Yahay Wasiirada Ugu qabylada badan Golaha wasiirada Silaanyo Marka lo Eego kuwa kale ee Meesha la jooga
Gebo gebo Waxaan ku soo Gabogabaynaya in shacabka aay Meel uga soo Wada jeestan wixii Dantooda ah iska -na fogeeyaan Qabylada iyo Qabiilka oo immika aad Moodo in aay Xadhkaha Goostay
waa aad mahadsantihiin
Qaliinkii Cantar Kidaar Cune
