Hargaysa 07.April (SDN) Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta soo saaray Wareegto madaxweyne oo ku saabsan khayraadka dabeeciga ah ee Dalka:
Warsaxaafadeed ka soo baxay Qasriga Madaxtooyada ayaa u dhignaa Madaxweynuhu:-
Xukuumaddu waxay xil mug iyo miisaan leh iska saartay sidii loo manaafa-caadsan lahaa Khayraadka dabiiciga ah ee ku duugan Dalka.
Sidaas awgeed, sida aad ka warhaysaan waxa dalka ka socda baadhitaanno lagu sahaminaayo Khayraadka ku jira Dalka; sida shidaalka iyo Saliidda, kawaas oo ka mid ah hantida Guud ee Dalka.
Sida ku xusan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Qodobka 12aad, Faqradiisa 4aad, Khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka waxa mas’uul ka ah Dawladda-dhexe, waxaanay qaadaysaa tallaabo kasta oo suurtagal ah si loo baadho, loogana faa’iidaysto Khayraadka ku jira berriga iyo badda. Bulshada Somaliland waxa lagu wargelinayaa inay ilaaliyaan habsami-u-socodka Shaqada, lana shaqeeyaan Hay’addaha Dawladda ee Shaqada ku hawlan.
Haddaba, waxa aan farayaa Hay’addaha ay wareegtadani khusayso, inay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo ka hor-timaadda, isku-dayda dhaq-dhaqaaq diidmo oo beelaysan, deegaamaysan iyo abaabul kasta oo nabad-gelyada ka dhan ah.
Hargaysa SDN.
qurbejoog.com
