Uncategorized

Madaxweyne Siilaanyo oo Guddi Qabanqaabo u saaray Aaska Maayarkii Caasimada Hargaysa oo Dubai ku geeriyooday

Hargaysa 07.April (SDN) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Degaanka Hargeysa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Maayarkii Caasimada Hargeysa MARXUUM, ENG. YUUSUF WARSAME SICIID oo ku geeriyooday Cusbitaal ku yaal Imaaraadka Carabta Saaka Subaximadii hore 07/04/2013.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku tilmaamay muwaadin jecel dalkiisa iyo horumarka ummaddiisa, mudo dheerna u soo shaqaynaayey sidii uu ugu tari lahaa dadkiisa iyo dalkiisaba.

ALLE ha u naxariistee Doorashadii Golaha deegaanka ka dib waxaa loo doortay Maayarka Caasimada Hargeysa si uu aqoontiisa iyo kartidiisa ugu horumariyo caasimada Hargeysa, inkastoo intii loo doortay Maayarka Caasimada ka dib uu la soo dersay Xanuunkan uu haatan u geeriyooday Marxuumku.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumkaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii Golihii Degaanka Hargeysa ee uu maayarka u ahaa, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne ku magacaabay Gudi  qaban-qaabo oo u xilsaaran Aaska Marxuumkaasi, Gudidaas oo ka kooban 15 Xubnood waxa Gudoomiye u ah Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL, Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur).

Madaxweynuhu Waxa uu Wareegtadan ku yidhi Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sida aad ka warhaysaan, waxa Shacbiga Somaliland ka baxay oo geeriyooday Alle ha u naxariistee Maayarkii Caasimadda Hargeysa Marxuun Yuusuf  Warsame Siciid.

Sidaas darteed, Mudanayaal, waxa aan idiin magacaabay Guddida Qaban-qaabadda Aaska Marxuun Yuusuf  Warsame Siciid.

Waxaan idinka rajaynayaa inaad xil waafiya iska saari doontaan, isla markaana si milgo iyo maamuus Qaran leh u diyaarin doontaan aaska Marxuunka.

Xubnaha uu Madaxweynuhu u Magacaabay Gudidan Qaban qaabada Aaska Alle ha u naxariistee Maayarkii Caasimada waxay kala yihiin:-

1.Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha    (Guddoomiye)

2.Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta                                          3.Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda                                                                         Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka

4.Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysigga iyo Khayraadka Badda

5.Wasiir Ku-xigeenka Wasaarrada Warfaafinta, Dh. Iyo Wacyigelinta

6.Taliyaha Ciidanka Booliiska                                                                       

7.Maayar Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa

8.Xoghayaha D/Hoose ee Caasimadda                                            

9.Guddoomiyaha Xafiiska Xildhiidhka Golayaasha ee Madaxtooyadda                                                          

10.Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe                                                          

11.Xildhibaan Maxamuud Axmed  Oobsiiye                                                      

12.Mudane, Maxamed Baarjeex                                                                       

13.Cali Cumar Xasan Guuleed                                                        

14.Marwo, Aamina Yusuf Aar                                                                                                                     

Hargaysa SDN.

qurbejoog.com