|

Waa Maxay Sababta Loo Xidhay Hal Abuurada Niciima Axmed Ibraahin Qorane? & Aabaheed oo si adag uga Hadlay aaminsanaanteeda Mab’da Somali Weyn DAAWO

Hargaysa 29. January 2018 (SDN/QJ):-Ciidamada amaanka Somaliland ayaa Maalintii Sabtidii Xabsiga u Taxaabay Hal abuurad Naciima Axmed Ibraahin (Qorane) taas oo ka timid dhanka Muqdisho Isla markaana ku laaban lahayd Magaaladda Muqdisho isla Maalinta la xidhay.

Aabaha dhalay Gabadhan oo lagu Magacaabo Abwaan Axmed Ibraahin Qorane oo maanta u Waramayay Telefishanka Eryal ayaa ka hadlay Sababta Xadhiga Inantiisa oo uu ku sababeeyay in loo sheegay laba qodob oo kala ah in Inantiisu ay aaminsan tahay Mab’da Somali weyn iyo inay Barteeda Facebook Qoraal ku baahisay.

Abwaan Axmed Qorane Waxa uu Inantiisa ka difaacay in aanay denbi ku Mutaysan Karin inay Somali weyn aaminsanaato isagoo intaas ku daray in qofkasta Mab’diisa aan lagu xidhi Karin.

Arrimaha Lagu haysto Naciima Axmed Ibraahin Waxaa ka mid ah Sida ay u Aaminsan tahay Midnimada Somalia.

Comments are closed