|

Waasaarada Arrimaha Dibedda Somaliland:fallaagada (Khaatumo) waxay iska dhego-mariyeen, diideenna isku dayo lagu doonayey in khilaafka jira lagu xalliyo hannaan nabadgelyo oo wadahadal ah

Hargeysa Aug 31,2014(SDN/QJ)-Wasaarada Arrimaha dibedda ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa Qoraal jawaab ah ka bixisay hadalo beesha caalamka laga soo xigtay oo looga hadlayay xiisada colaadeed ee ka aloosan degaanka Saaxdheer.

Qoraalka oo uu ku sexeexan yahay Afhayeenka wasaarada arrimaha dibedda ee Somaliland Md Saciid Cali Muuse oo ay turjuntay jariirada Jamhuuriya ayaa lagu sheegay in Saaxdheer ka mid tahay Somaliland.

 

“Waxa aannu bulshada caalamka ugu baaqaynaa inay kooxda fallaagada ah ee Cali Khaliif iyo taageerayaashooda ka joojiyaan inay ku kacaan falal dheeraad ah oo lagu waxyeellaynayo amniga, laguna abuurayo deganaansho la’aan ka dhacda magaalada tuulada Saax-dheer ee bariga Somaliland. Beesha caalamka, Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalalka jaarka waxa ka dhexeeya dano guud oo ay wadaagaan oo khuseeya ilaalinta, adkaynta xasilloonida iyo nabadgelyada, taasoo wax cad oo muuqda ahayd muddada 23-ka sanno ah ee Somaliland jirtay,” ayaa lagu yidhi war-murtiyeedkaas oo uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo Isgaadhsiinta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mr. Siciid Cali Muuse.

“Cali Khaliif iyo kooxaha kalee qas-wadayaasha ah ee fallaagada (Khaatumo) waxay iska dhego-mariyeen, diideenna isku dayo lagu doonayey in khilaafka jira lagu xalliyo hannaan nabadgelyo oo wadahadal ah, taas beddelkeediina waxa kooxda Cali Khaliif sii wadeen sidii ay uga hawlgeli lahaayeen degaannada bari ee dalka, ugana fuliyaan falal argagixiso si ay u minjo-xaabiyaan xasilloonida iyo nabadgelyada Somaliland ku caano-maashay.”

Agaasime Siciid Cali Muuse oo ah suxufi ruug-caddaaya oo ka hawlgeli jiray laanta Afsoomaaliga ee idaacadda BBC-da, waxa uu sidoo kale war-murtiyeedkiisa ku sheegay in dawlad hab dimoqraadi ah loo doortay ay gacanta ku hayso maamulka iyo ilaalinta qarannimada Somaliland, “Dawladda sida dimoqraadiga ah loo doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa haysata awood dawladeed iyo kalsoonida siyaasadeed ee dadweynaheeda si ay u sugto nabadgelyada, una ilaaliso muwaaddiniinteeda, iyadoo sidoo kale awood sharci  iyo xaq u  leh inay farogeliso, kana fuliso hawlgallo amni gudaha xuduudaha dhulka dalkeeda. Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay hore si cad u muujisay inay ka go’an tahay sidii xal nabadgelyo loogu heli lahaa dhammaanba khilaafaadka jira, iyadoo soo dhawaynaysa fursad kasta oo suurtogeliya inay wadahadal lala yeesho kooxaha gudaha ka wada rabshadaha iyo dalalka dariska ahba.”

Sida lagu muujiyey war-murtiyeedka ka soo baxay Wasaaradda Khaarajiga Somaliland, fallaagada Khaatumo, ayaa iska dhego mariyey in hab nabadgelyo lagu xalliyo dhibka jira, kuwaas oo lagu eedeeyo inay ku hawlan yihiin qorsheyaal rabshado iyo xasillooni-darro lagaga abuurayo qaybo ka mid ah Gobolka Sool.

“Si kastaba ha ahaatee, fallaagada Khaatumo waxay dooneen inay qaybo ka mid ah Gobolka Sool ee bariga Somaliland ka abuuraan xiisad, dhaliyaanna rabshado iyo deganaansho la’aan, arrimahaas oo aanay dawladda Somaliland marnaba u dulqaadan doonin. Rabshadihii u dambeeyey ee ka dhacay degaanka Saax-dheer waxay ahaayeen natiijo ka dhalatay hawlgal fallaagada Khaatumo doonayeen inay magaaladaas ka abuuraan, taasoo xiisad ka dhex abuurtay bulshada degaankaas,” ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka.

 

Jamhuuriya.

 

Comments are closed