|

Wada Hadaladii Somaliland Iyo Khaatumo oo Magaalada Addis Ababa Dib Uga Furmaya

Hargaysa 03. December 2016 (SDN/QJ):-Wada hadaladii Somaliland iyo kooxda Khaatumo ayaa la filayaa inay dhawaan ka furmaan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Ma jiro wax war ah oo ay xukuumaddu ka soo saartay bilowga wada hadaladan. Laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in

xukuumadda Somaliland ay dalka Itoobiya maalmahan u dirayso wefti uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, waxaanay Addis Ababa kula kulmayaan wefti ka socda Khaatumo oo loo magacaabay wada hadalada Somaliland.

Geesta kale, waxa la filayaa inay xukuumadda Somaliland dalka Imaaraadka Carabta u dirto wefti kale, waxaana la filayaa in weftigani u tagi doono dalkaas heshiiskii dhex maray Somaliland iyo shirkadda DP world ee ku saabsanaa dekedda Berbera.

Comments are closed