|

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Murashaxa Xisbiga Waddani oo Laga Hor Istaagay inuu Saldhiga Dhexe ku Booqdo Sarkaal Xisbigiisa ka Tirsan

Hargaysa 03. December 2016 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna musharaxa madaxweyne ee Xisbiga mucaaradka ah ee  WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayay ciidanka Booliska ee saldhiga dhexe ee Hargeysa ka horistaageen inuu booqdo Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan xisbiga Waddani iyo weriye Cali Mahdi Jibriil oo ka tirsan Kaltsan TV oo ay xidheen ciidamada Boolisku.

cirro-iyo-burcoMusharax  Cirro iyo masuuliyiinta la socotay ayaa loo diidey in ay booqdaan Muniir iyo Cali Mahdi, waxaanu Cirro saxaafadda u sheegay inay ciidamada Boolisku si aan ixtiraam lahayn uga horistaageen inuu booqdo labada maxbuus.

Guddoomiye Cirro wuxuu yidhi “Waxaan cambaaraynayaa xadhiga Muniir oo ka tirsan xisbiga Waddani oo aan xisbiga lala socodsiin xadhigiisana aanu u aragno sharci darro, waxaanu u tagnay inaanu soo booqano aniga iyo saraakiil kale, waxa dhacday ciidankii waxay yidhaahdeen amar ayaa lanagu siiyay inaan lagu soo daynin adoo ah guddoomiyaha baarlamaanka iyo murashaxba. Waa amar sharci darro ah, ciddii bixisayna way ogtahay, waana amar sharci darro ah anoo intaas oo xil ka haya qaranka in talaabadan lanagula kaco. Intaas waxa dheerayd in qoryaha lanagu soo fiiqay, markaas waxaanu leenahay waxa intaas dheer in la xidhay gaadhigii xoghayaha guud ee xisbiga.”

Md. Cirro wuxuu sheegay inaanay ka hadhi doonin talaabadan lagaga horistaagtay inuu saldhiga ku booqdo siyaasi Muniir, waxaanu yidhi “Waa meel ka dhaca madaxweynaha qarankana waxaan leeyahay wuxuu u baahanyahay inaad wax ka qabato, waxaan isku dayay inaan la hadlo taliyaha boolisku, igamuu qaban, waxaanu doonaynaa in jawaab cad laga bixiyo, ciddii amarka bixisay inay soo baxdo, kana hadhi mayno oo waanu daba galaynaa, waxaanan u aragnaa in qarankani sharciga ku socdo, haddii uu ku socon waayo waxay kalifaysaa in qof walba sharciga gacantiisa ku qaato.”

Hase yeeshee wasiirul dawlaha daakhiliga Maxamed Muuse Diiriye oo isna saxaafadda la hadlay ayaa difaacay sababta ay ciidamada ammaanku ugu diideen murashax Cirro inuu booqdo siyaasi Muniir, waxaanu sheegay inay ahayd in guddoomiye Cirro haddii uu xisbigiisu tabasho ka qabo xadhigan uu tago wasaaradda arrimaha gudaha ama taliska booliska, balse aanu la murmin askar boolis ah.

Waxa kale oo uu sheegay in xadhiga Muniir la xidhiidho falka ah dhaawaca loo gaystay Jaamac-jiir, isagoo sheegay inay baadhis ku hayaan kiiskan.

Comments are closed