Uncategorized

Wadaad Tabliiqi ah oo Alshabaab ay Gawrac labada Dhegood ku Simeen

Luuqjeelow:Jan,05,2015(SDN/QJ)-Kooxda Al-shabaab, ayaa saaka Qoorta ka goysay Wadaad kamid ahaa Culimada Tabliiqiyiinta meel u dhaw Deegaanka luuqjeelow ee Goboa Hiiraan.

luuqj-300x158Wadaadka Al-shabaab ay Gowraceen ayaa lagu Magacaabi jiray Cabdi sahal Cali Faarax,waxaana uu kamid ahaa Culumada Tabliiqa ee aagaas caanka ka ah.

Dadka Degaanka Luuqjeelow ayaa Warbaahinta u sheegay in Gaari ay saarnaayeen Culumada Tabliiq ay kala tageen Marxuunka la dilay,waxaana Shabaab ay ku Eedeeyeen in uu ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa sidoo kale la sheegay in Bishii la soo dhaafay ay Degmada Buulabarde Tuulo hoostagta ay ku Gowraceen Macalin barre ka ahaa Tugsi Qur’aan ku yaalla halkaasi.