Uncategorized

Wadahadaladii Turkiga uga Socday Somaliland iyo Soomaaliya oo Natiijooyin koobani ka soo Bexeen

Istanbul July 09,2013(SDN)-Wadahadaladii dalka Turkigu martigelinayay ee u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya ayaa waxa heshiis laga gaaray dhawr qodob oo ka mid ah  arimihii halkaa la isugu tegay ka wada hadalkooda.

Waxaase la isku mari waayay qodobadii wadahadalkaba qiimaha u yeeli lahaa ee ku saabsanaa xiriir noocee ah ayaa labada dhan dhex mari kara iyo in midnimo dib ay dib labada dhan u wadaagaan in ay suurto gal tahay.

Waxay labada dhan isla qaateen in Maamulka Hawada Soomaaliya ay labada dhan dib ula soo noqdaan

Isla markaana ay wad jir u wada maamulaan hawada Soomaaliya iyo Somaliland,tiyoo xarunta laga hagayo hawada ay noqon doonto Hargeysa.

Waxa ay labada dhan isla qaateen in la abuuro guddi wada jir u maamula Hawada Soomaaliya.

Waxa kale oo ay labada dhan isla qaateen in mudo 120 casho ah ay dib ugu kulmaan dalka Turkiga si ay wada hadalada u sii anba qaadaan.

Ergada Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay ku guuldareysteen in ay isku afgartaan qodobada ay ka midka yihiin Qadiyada Somaliland iyo isu socodka Siyaasiyiinta labada dhan.

Wadahadaladan oo mudo socday haatan ayaan muuqan natiijooyin labada dhan u wada cuntami kara oo ka soo bixi kara bacdamaa labada dhan uu mid waliba ku adagyahay in tiisu meel marto.

SDN-Istabul

contact@somalidiasporanews.com