|

Waqtiga la dooranayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo la muddeeyay

Muqdisho 31, August 2012 (SDN)- Guddiga doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya, ayaa shaaciyay xilliga ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha cusub, iyadoo murashaxiin tiro badani u ordayaan hanashada xilkaas.

Guddigan oo ka kooban 16 xubnood oo Baarlamaanka Soomaaliya Khamiistii shalay u saaray hagista hawlaha doorashada Madaxweynaha cusub, waxa uu maanta shaaciyay in doorashadu dhici doonto 10-ka bisha September.

Siday guddigu sheegeen, qabashada araajida murashaxiinta u taagan jagada Madaxweynenimada Soomaaliya, waxay bilaabmi doontaa 3-da bisha, waxayna socon doontaa ilaa 6-da September.

Ku dhawaad 20 murashax, ayaa dhowaan shaaciyay inay u sharaxan yihiin doorashada Madaxweynenimo ee dawladda cusub ee Soomaaliya, waxaana ka mid ah saddexda masuul ee haatan waqtiga xilkoodu dhamaanayo, kuwaasoo kala ah Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aaden iyo Raysal-wasaare Cabdiweli Maxamed Cali.

Qurbejoog.com, Muqdisho

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed