Uncategorized

Madaxweyne Siilaanyo oo Guddi Farsamo u magacaabay Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya

Hargeysa, 08, April 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta magacaabay guddi farsamo oo ka hawlgali doona qaban-qaabada ee Shirka London.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland isaga oo fullinaya go’aamada kazoo baxay Shirkii London ee 23-kii bishii February, gaar ahaan qodobka tilmaamaya wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu magacaabay guddi farsamo oo ka kooban 5 xubnood oo ka hawlgali doona qaban-qaabada iyo qaabka wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Xubnahan uu Madaxweynuhu magacaabay ayaa kala ah;

1-      Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar

2-      Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur)

3-      Wasiirka Hawlaha Guud Axmed Cabdi Xaabsade

4-      Wasiirka Caddaalada iyo Garsoorka Xuseen Axmed Caydiid

5-      Wasiirka Beeraha Pro. Faarax Cilmi Geedoole

Guddidani waxay ka qaybgali doonaan kulan gogol xaadh ah oo ay labada dhinac dhawaan ku yeelan doonaan magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Warsaxaadeedkaas waxa ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse).

SDN, Hargeisa Somaliland

Said M. Askar

Said8090@gmail.com