|

War Deg Deg ah: Wasiir Samaale Oo Iska Diiday Qabashada Xilka Wasaaradda Waxbarashada, Telefoono Madaxtooyadu u Dirtay Oo Uu Qaban Waayey Iyo Cudur-daarka uu Sheegtay

Hargeysa:Feb,28,2015(SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo xalay madaxweyne Siilaanyo u beddelay Dhinaca Wasaaradda Waxbarashada, ayaa iska diiday inuu xilkaas qabto.

leermQaarka mid Asxaabta sida weyn Wasiir Samaale  ay Saaxiibka u yihiin, ayaa Qurbejoog.com u xaqiijiyey inuu Wasiirku xilkaas diiday, isagoo cuskaday inaanay jirin wax wada tashi ah oo Madaxtooyadu kala samaysay Wasaaradda Cusub ee Loo Magacaabay.

Wasiir Samaale, ayaa muujiyey sida uu uga xun yahay xilka aan lagala tashan ee loo dhiibay, isagoo xusay aanu qaban Karin xil aan laga talo gelin kahor intii aan  loo magacaabin.

Wasiir Samaale, ayaa sida wararka aanu ku Hayno sheegay inaanu sinaba uqaban doonin xilkaas, isagoo sidoo kale xaqiijiyey inuu si kal  iyo laab u wareejin doono xilka Wasaaraddii uu hore u hayn jirey.

Warku waxa uu intaas ku darayaa in Wasiirrada ugu miisaanka Culus xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay dedaal ugu jiraan sidii ay usoo ladqabayn lahaayeen Wasiir Samaale oo isagu cadho badan ka muujiyey Xilka-qaadistiisa.

Sidoo kale waxa la sheegayaa in wasiirku uu qaban waayey Telefoono madaxootayadu u dirtay, kadib markii laga warhelay sida uu u saluugay Xilka-qaadistaas.

Mudane  Samaale ayaa maalmo ka hor kamid ahaa xubnaha Golaha Wasiirrada ee xidhiidhka Fiican la leh Madaxtooyada, waxase uu ilaa xalay markii Degreetada Xilkii Wasaaradda Maaliyaddu soo baxday uu bilaabay inuu cadho badan muujiyo, isla-markaana uu si hoose asxaabtiisa ugu sheego inaanu aqbali Karin Wasaaradda Loo wareejiyey.

Ilaa iyo Haatan xubnihii xalay ay saamaysay Wareegtadii madaxtooyada kasoo baxday, ayaanay jirin wax war ah oo kasoo noqday marka laga reebo wasiir Samaale oo isagu iska diiday inuu xilka cusub aqbalo.

Ilaa Berri ayaa la filayaa inuu Wasiir Samaale soo saaro Faahfaahin Ballaadhan oo la xidhiidha Saluuga Xilka Cusub, waxana uu isaga qudhiisa sheegay inuu Taageerayaashiisa u sheegi doono waxa uu diidan yahay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed