|

Wasiirka Madaxtooyada oo Walaac Xoogan ka Muujiyay Sii Socoshada Wada Hadalada Somaliland Iyo Somalia

Ankara 28.Feb 2015 (SDN/QJ)- Waftigii Waddahadalada Somaliland uga Qaybgalyey ayaa Meeqam Sarre lagu soo dhaweyey Dalka Turkiga gaar ahaana Madaarka Istanbul waxana Halkaasi ku soo dhaweyey Madaxda Sarsare ee Dalka Turkiga.

Waftigan oo Xallay gaadhay Turkiga ayaa waxa loo dhigay Rooga Cas ee lagu soo Dhaweeyo madaxda iyada oo lagu soo galbiyey Baabuurta Madmadoow oo Calanka Somaliland ka babanayo.
weftiga wada hadalkaWaftigan oo uu Hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibada Ayaa waxa ka mid ahaa Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xassan, Wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta Cabdirisaaq Khaliif, Wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedole, Wasiirka Duulista iyo Hawda Maxamud Xaashi Cabdi, Wasiirka Cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada horena u ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr Cabdi aw Daahir, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Guurtida Siciid jaamac Cali, Xildhibaan Kijaandhe iyo Xildhibaan ka socday Golaha Guurtida.

Kulankan ayaa noqonaya kulankii 8aad ee noociisa ah ee dawlada Somaliland iyo dalka aynu jaarka nahay ee Soomaliya isku soo horfadhiistaan iyagoo ka wada hadlaya aayaha iyo mustaqbalka labada dal ee Somaliland iyo Soomaliya

Dalka maanta marti galinaya ee Turkey-ga ayey noqonaysaa markii 5aad ee dalkiisa lagu wada hadlo halka 3 kulan oo kale ka kala dhaceen dalalka kala ah:

Boqortooyada Ingriiska “Uk”, Imaaraadka Carabta “UAE” iyo Jabuuti.

Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi Xaaji Cali Xasan ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray waxa uu ku sheegay in Inkastoo aan weli loo gonda degin halkii loo baahnaa oo ah in la ixtiraamo rabitaanka bulshada Somaliland lana sameeyo qorshe lagu kala gurto, hadana, dhamaantood waxaa kasoo baxayay waxyaalo la kala saxeexday oo aan fulin sida:

– In Maamulka iyo hagista Hawada la keeno Hargeisa isla markaana dakhliga hawo marista kasoo xaroodana si siman loo qaybsado,

– In ay aqbaleen xasuuqii ku dhacay bulshada reer Somaliland

– In aan arimaha Horumarka la carqaldayn lana siyaasadayn

– In la hawlgeliyo khubaro farsamo-yaqaaniin ku ah wada hadalada.

Wasiirku waxa uu sheegay inuu walaac badan iyo werwer ka qabo sii socodka wadahadalada hadii aan la tixgelin ayuu yidhi wixii lagu heshiiyay, waxayna kulankii ugu danbeeyey ee Djibouti ay ku kulmeen labada madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaliya ay kala saxeexdeen qodob muhiim ah oo odhanyey

– In arimaha masiiriga “ aaya tashiga” ah hoos loogu dego kaasoo aanu rajaynayno in qolada Soomaliya ay garwaaqsan doonaan madaxbaanida iyo qaranimada Somaliland iyo sidoo kale inay ixtiraamaan wixii lagu heshiiyay.

Shirka Waddahalada ayaa maalinta Axada Furmay.

 

Comments are closed