|

War Deg Dega:Madaxweyne Siilaanyo iyo Xaglotoosiye oo heshiis kala sexeexday

Dubai June 30,2012(SDN)-Kulan ay ku yeesheen magaalada Dubai madaxii hore jabhada SSC iyo madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa waxa la iskula qaatay in labada dhan ay ka wada shaqeeyaan nabada degaanka Buuhoodle.

War kulankan ay ka soo saaratay ayaa kiyoo dhamystiran waxa uu u qoraa sidan;“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Waxa uu maanta ku qaabiley Qasriga uu degan yahay ee MINA-SALAAMA HOTEL, Hogaamiyaha Kooxdii SSC, Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xaglatoosiye). Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha SSC waxay ka wada hadleen sidii deegaanada Buuhoodle iyo qaybo ka mida Sool loogu soo dabaali-lahaa nabad-gelyo buuxda oo taam ah.

Madaxweynaha iyo Gudoomiyuhu waxay istu-seen isla markaana kuwada Qanceen baahida ay shacbiga deegaanadaasi u qabaan in ay walaalahooda dalka ee kale la wadaagaan horumarka dhanwalba leh ee wax-barashada, Caafimaadka, Nabad-gelyada iyo Adeeg-yada kale ee ay noloshu u baahan tahay oo dhan, sida biyaha Iwm. Ugu danbayn waxa uu Madaxweynuhu balan qaaday inuu dhiniciisa soo dhawaynayo dedaalka lagu soo Af-jarayo khilaafka jira oo dhan, wuxuuna hogaamiyaha SSC-da kula dar-daarmay inuu si dhakhso ah uga hawl-galo.

Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xaglatoosiye)na waxa uu balan qaaday inuu ka hawl-gelayo sidii khilaafka loo soo Af-jari lahaa, waxaanu sheegay inay reer soomaaliland yihiin dad wada dhashay oo aan sinaba u kala maarmaynin, Dantuna ay ku jirto wax-wada qabsiga iyo wada jirka.”

SDN-Dubai

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed