|

Guddomiyaha Guddida Siyaasada ee Baarlamaanka Puntland oo dhaliilay Madaxweyne Faroole

Garoowe June 30,2012(SDN)-Guddoomiyaha guddida Siyaasada ee Baarlamaaka Puntland Xildhibaan Cabdiqaadir Faarax Bootaan ayaa hadal uu maanta ka jeediyay kalfadhiga 28aad ee Baarlamaanka Puntland waxa uu dhaliilo ugu jeediyay madxweyne Cabdiraxmaan Faroole.

Hadalada Xildhibaankana waxaa ka mid ahaa;”Markaan soo qaadano Xukuumadu waxay wakhti dheer gelisay dhaqaale badan gelisay sidii loo Xakamayn lahaa xalna loogu heli lahaa Shaqaaqadii Colaadeed ee ka dhex aloosantay beelaha reer Puntland ee gobolada Bari iyo Karkaar qaarkood taasoo marba soo karaarqaadaneysay ilaa xasilinteedii lagu guuleystay,waxaa xafaarad lagu sameeyey markaan guulaha fiirino dekadda Boosaaso ,waxaana Caasimadda Garoowe laga wadaa Jeel weyn oo baahida Maxaabiista wax ka tari doona haddii Alle Idmo,waxa la rajeynayaa in Safarada iyo kulamada Xukuumadu dibada ku tagtay sida Turkiga iyo Dawlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya inay wax weyn soo kordhin doonaan in kastoo taasi ay libin lagu naaloodo tahay misana Siyaasadda gudaha intaas ka mug weyni waxay ahayd inay ku dhisnaato dhinac kasta masalaxada guud ee bulshada midnimadeeda,horumarkeeda iyo daryeelkeeda kuwaas oo noqday qaar burburay iyo qaar quus iyo niyad jabab dheliyey, waxay bulshada Puntland ku hungowday in ay hesho Siyaasad ku baarujiyeysa walaalnimadeeda iyo wax wada qabsigeeda isla markaasna u dumaysa isku kalsoonaanteeda umadnimo.

Wacyigelin iyo borobogaando dawladeed oo ku wajahan bulshada wargelinteeda guda iyo dibadtooni ahi majiraan,dawladdu Warbaahin sida TV iyo Jaraa’id ay bulshada iyo Aduunka Siyaasadeeda iyo wax qabadkeeda ku gaarsiiso malaha ama iyo cama iyo Indho la’aan waa meel joog AUN waa murtidii Abwaan Maxamed Ismaaciil, Sawirka Siyaasadda Puntland ay leedahay waxa inooga filan Wasaaraddii u xilsaarneyd oo aadan qof masuul ah Xafiisyadeedii ku arkayn,Wasiir iyo Wasiir Kuxigeenba goor Xafiisyadoodii ugu danbeysay lama yaqaan,xaalada wadankana lama socdaan sey inta badan wadankaba majoogaan.

Wadajirkii bulshada Puntland oo kala dhantaalmay qaarkeedna badankood Isku gulmay, hoggaan dhaqeemadeenii oo Siyaasad la dhexdhigay awgeed ku kala jabay halkaasnaa ay dhaqankii iyo Siyaasadii isku murgeen ilaa maantana jiha loo midaysanyahay aan la arag bulshadeeniina ku wareertay inaan tashi Golayaashu u dhan yihiin xaalada murugsan ee Siyaasadeed lagu wajihin,waxaan Indhaha laga qarsan karin inay jiraan kala miiran bulsho,dusmayn Ciidan iyo dhul ququbasho Siyaasadeed oo ay ku wacantahay markii la Xoreyn waayey degaanada Puntland waxayna Jebisay dawladui markaas qodobka 7-aad ee Dastuurka Puntland,waxay Siyaasadu guduhu si tulud la’aan ah ugu fashilantay dhismihii golayaasha deegaamada dhowr degmo maahee halkaas oo u horumarkii goboladu ku hagaasmay

Heshiisyadii la galay waxaa xigay Puntland iyo Dawladda Federaalka KMG ah inay carqalada Siyaasadeed ka dhex aloonsatay taasoo sababtay inay dawlado isugu yeeraan sida Itoobiya oo kale ilaa iminkana uusan jirinin heshiis guntimay oo la dugsan karo,waxaa magacii iyo miisaankii Puntland shiiqiyey heshiisyada ay Dawladda KMG ah la gasho oo aan marka hore go’aan loo dhanyahay laga qaadan taas waxaa laga dhaxlay is qabqabsi joogto ah iyo Siyaasadeenii oo hooska labadiisa gelin noqotay,waxaa si Indho la’aan ah afka looga galay kulankii Ingiriisku Caalamka London ugu qabtay oo dulucdiisu ahayd in Somaliland mowqifkeeda aduunka hor dhigo halkaasna Soomaaliya iyo Somaliland la isku barbar dhigay Caalamkana lagu barayey.

Waxaa Puntland yimid 6-Safiir oo wadamada Iskandaneefiyaanka kamid ah iyo Wafuud kale oo laga wadahadlay inay wax ka qabtaan kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland,waxaa markasta socda heshiisyo ay Xukuumadu la gasho Shirkaddo dibadeed iyo dawladdo Shisheeya ah wajigee doonaanba ha lahaadeenee Xukuumadu golaha Wakiilada kulamadaas kama qeybgeliso waxa lagu gaarana ma hor keento, waana meelaha mugdiga iyo Isfahamdarada golayaasha dawladdu Salka ku hayaan ,waa qodob Dastuuri ah inay heshiisyada Caalamiga ah ee Dawladda Puntland dhinac ka tahay uu golaha Wakiiladu cod kala bar iyo hal dheeri ah ku ansixiyo qodobka 64-aad farqadiisa 4-aad ee Dastuurka Puntland, hadaan nidaamkaas la xaq dhowrin heshiiskii la galaa waa aan waafaqsaneyn nidaamka dastuurka Puntland.

Hawlwadeenada Xirfadleyda iyo Shaqaalaha waxay hay’aduhu ka qaataan amaba kalaba yimaadaan Koonfurta Soomaaliya,Baydhabo iyo Kenya lama diidana kii Xirfad aqooneed looga maarmi waayo hayeeshee iaydoo ay joogaan aqoonyahano iyo dhalinyaro Jaamacadaha gudaha iyo dibada kasoo baxday oo reer Puntland ah ayeysan hay’aduhu Puntlander-ka wax tixgelin ah siin marka fursadaha Shaqada tartanka loo gelayo waxay hay’aduhu ka qeybgalayaasha sida badan ku yiraahdaan Muqdisho taga oo Imtixaanka ku gala, Imtixaanka ay Puntland ka qaadaan Naitobi bay kusoo Saxaan halkaasoo Puntlanderka fursada lagu seejiyo,waxay ahayd Puntlanderku inuu Xaqa wadaniyadeed ee kowaad uu leeyahay, Soomaaliga kale inuu xaqa labaad leeyahay,kan Shisheeyaha ah Xirfad aqooneed looga maarmi waayaana inuu Xaqa Saddexaad leeyahay.”ayuu xildhibaan Cabdiqadir Faarax Bootaan hadalkiisii ku soo gunnaanaday.

Kalfadhigan Baarlamaanka Puntland ayaa u muuqda mid ka kulul kiwii u danbeeyay ee golluhu yeesho,isla markaana u muuqda in dhaliilo kulul looga soo jeedinayo.

SDN-Garoowe
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed