Uncategorized

Warbaahinta Siera Leon Oo Si Weyn u Qaadaa Dhigtay Horumarka Iyo Guulaha Ciidankoodu Ka Gaadheen Soomaaliya

Free Town:16-Jan-2014(SDN)-Xilli ay Dhawaan Ciidamada Siera Leon Dhawaan La Wareegayaan Hoggaanka Ciidamada Amisom, ayey Warbaahinta Waddankaasi Si Weyn uga Hadashay Horumarka Laga  Gaadhay Arrimaha Somalia.

csssMajor General Samuel Omarr Williams,oo ah madaxa Ciidamada difaaca Siera Leon ayaa arintaasi shaaciyay,isagoona dhanka kale ka hadlay guulihii ay gaadheen Ciidamada Siera Leon sanadkii gaar ahaan dagaalka Al-shabaab.

Wuxuu sheegay inay diiwaan giliyeen warbixino sheegaya in Ciidamada Siera Leon mudada ay ku sugan yihiin Soomaaliya ay gaadheen guulo wax ku ool ah,taasina wuxuu ku amaanay madaxweynaha dalkaasi ee isaga la sheegay in dhaqaalo iyo maskaxba ku bixiyay sidii Ciidamada Siera Leon qeyb kaga noqon lahaayeen Holwgalka AMISOM ee Soomaaliya.

General Baburam oo ka mid ah Saraakiisha hogaamineysa Ciidamada Siera Leon ayaa hadalkaa ka sheegay kulan wada tashi ah oo ay isugu yimaadeen madaxda Midowga Africa u qaabilsan Howlgalada Nabad ilaalinta ee wadao Soomaaliya ay ka mid tahay ka socda,waxaana si gaar ah kulankaasi diirada lagu saaray howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Saraakiisha Ciidamada Siera Leon ee Soomaaliya oo fursadaasi kaga faa’ideystay inay soo bandhigaan waxqabadkoodii sanadkii ee dagaalka Al-shabaab ayaa sheegay in markii Ciidamada Siera Leon loo soo daad gureeyay Soomaaliya,waxay gacanta ku dhigeen Ciidamada Siera Leon sida ay sheegeen Labo dagaalyahano oo ka tirsan Al-shabaab,waxaana dagaalyahanada  lagu wareejiyay Ciidamada Dowlada si baadhitaano dheer loogu sameeyo.

Sidoo kale,Bishii November ee sanadkii tagay,Ciidamada Sier Leon ee qeybta ka ah AMISOM,waxay dib isaga caabiyeen weerar ay ku qaadeen Al-shabaabka Jubbooyinka.

Waxaana Ciidamadaasi ay galbinayeen Kolonyo Gaadiid oo raashiin siday kana yimid Dhoobley,islamarkaana ku sii jeeday Tabta.

Ciidamada dalka Siera Leon ka socda ayaa howlgalka AMISOM ku biiray sanadkii tagay ee 2013,waxaana ay ka dhaq dhaqaaqaan deegaano iyo degmooyinka ka tirsan Jubbooyinka.

Warbaahinta Dalka Siera Leon ayaa haba yaraatee soo qaadin oo aan sheegin  dhibaatada ay kooxaha Alshabaab Gaadhsiiyeen Ciidankooda, waxana kaliya ay warkooda ku koobeen dhinaca Horumarka ay ka gaadheen somalia.

 

S.D.N.

Contact@somalidiasporanews.com