|

Warbixin: Muuqaal Sidee Ah Ayuu Leeyahay Arooska Miyiga Maantu? W/Q: Wariye Maxamed Addis

Qormadan oo aan uga dan leeyahay inaan ku iftiimiyo muqaalka guud ee uu leeyahay arooska reer miyiga ee maantu, maaha mid aan isku barbar dhig ku samaynayo arooskii miyigee soo jireenka ahaa iyo aroos miyiga maanta.

Waxaanay ku salaysan tahay oo ay ka turjumaysaa muuqaal aan kasoo dheehday dhawaan munaasabad aroos oo aan ka qayb galay oo ka dhacday deegaanka Lafta Tiinka, oo dhanka Koonfureed kaga beegan Gabiley.

Hindisaha guriga cusub ee miyiga kusoo biiraya maanta waxa uu ka dhashaa, Latagis. Latagistaas oo ah in wiilku gabadha uu calmooday ee ay ku kulmaan munaasabad—oo badanaa ah meelaha kaliyah ee ay dhalinyaradu iskugu timaado—inuu kaxeeyo oo uu geeyo guri ay habeenka u hoyoto.

Nidaamka ‘Latagista’ oo ah nidaamyada dhawaan soo kordhay ee sida badana reeraha maantu ku abuurmaan, ayaa wiil-ka iyo gabadha oo ay weheliyaan labo qof oo kale—oo kala ah wiil iyo gabadh—uu gaystaa habeenkaas guri ka baxsan labadooda reer.

Kadib waxaa maalinta xilta, intaanay cadeedu dhicin, gabaatigii oo ay ku doonayaan in gabadhaas wiilkooda lagu daro, u imanaya qoyska wiilku ka dhashay qoyskii gabadha. Hadii ay cadeedu ka dhacdana Aabihii dhalay gabadha amaba qoyskeedu waxay dalbanayaan in gabadhoodii loo soo celiyo.

Waxaanay reerka wiilka dhalay markay waydiisanayaan reerka gabadha dhalay, ay u gaynayaan 1-2 million oo shilinka Somaliland ah iyo 10-20 marduuf oo qaad ah.

Badanaana sida dhacda, nidaamkan Latagista oo lagu qiyaaso 70% inay reeruhu ku dhismaan maanta ayaanu wiilku reerkooda sii ogaysiinin inay ku jirto damac guur iyo inkale oo reerku waxay ka warhelaan uun markuu wiilkoodu gabadh la baxsado oo ay isku yaac yaacaan.

Markuu Aabaha dhalay gabadhu kadisadaas ugu meheriyo kulan reerka gabadha ka dhacay, waxaa habeenka xiga la iskugu imanayaa munaasabadii meher-ka oo ka dhacaysa gurigii uu wiilku gabadha geeyay. Inkastoon halkaas reerka gabadhu ka dhalatay ayna wax adduun ah ku gudoomin—maadaama oo ay shalay qaateen.

Gabadhu waxay ilaa intuu munaasabada dadab galkeedu dhacayso ee ay reerka wiilku u diyaar garoobayaan ku sugnaanaysaa guriga gacalkeed.

Waxaa mudo cel celis ahaan ah bil kadib bilaabma munaasabada arooska (Aqal galka) oo socota 7 maalmood, kana bilaabanta habeenka aynu u naqaan hoynta oo ay reer miyigu u yaqaanaan Galbis.

Reerka gabadhu ay u dhaxday waxay munaasabada habeenkaas kusoo dhawaynayaan guri aqal Somali ah oo ay u dhiseen qoysku reerka cusub. Gurigan oo sida ay ii sheegeen dadka deegaanku ah mid ka dhaxeeya reeraha meesha wada dagan oo aroos walba lagu soo dhaweeyo ayay reerka cusubi daganaanayaan mudo kooban oo ah ilaa intuu aroosku dhamaanayo(7 cisho).

Waxaa habeenkaas munaasabadaas isku arka dhamaan qacal iyo xigaalo. Raga meesha iskugu yimi way qaylaan dumar iyo dhalinyaraduna waxay ula kala baxaan ciyaarihii dhaqanka ee ay kamidka ahaayeen Jafle iyo Botor oo ilaa waabariga la ciyaaraa.

Habeenkaas casuumada oo dhan waxaa leh qoyska wiilku ka dhashay oo waxay keenaan baagag qaad ah oo uu reerba karaankii ah.

Aroosku wuxuu gala nasasho ilaa habeenka habeenkiis (7-daa cisho), waxaana socda galin hore iyo galindanbeba ciyaaraha ay ciyaarayaan dhalinyaradu. Dadka deegaanku waxay ii sheegeen inay dhawaan ay kusoo biireen ciyaaraha dhalinyaradu ciyaarayso ciyaarta Jaaska(Qoobka ka ciyaarka casriga ah).

Habeenka habeenkiis marka lasoo gaadho, waxay taagan tahay habeenkii Gaafka, oo munaasabad tii Galbiskii oo kale matasha ayaa u dhacda lamaanaha is calmaday.

Sodohdu habeenka Gaafka ah maalinta ka horeysa waxay bilawdaa dhismihii gurigii rasmiga ahaa ee reerka cusubi dagi lahaayeen. Gurigan oo sida dadka deegaanku noo sheegeen 70% maanta ah Jiingad labo qol ah ayay sodohdu ka dhistaa duleedka reerkay gabadheedu u dhaxday. Sidoo kale waxay keenta dhamaan agabkii guriga, sida weelkii, wixii lagu fadhiisanayay, wixii lagu seexanayay, raashinkii, iwm, oo dhamaantood iyadu soo iibiso.

Munaasabada Gaafku waxay caadiyan bilaabantaa fiidkii, waxaana loo dhisaa waab way oo weegaarsan. Halkaasna waxaa iskugu yimaada ragii deegaanka iskugu jira, qacal, xigaalo iyo jaarka oo qaylaad halkaas camira. Waxaa sidoo kale muda dhexe kusoo biiya dumarka oo iyaguna banaanka isku uruursada.

Labada dhinac ee wiilka iyo gabadhu kasoo kala jeedaan waxay soo qaataan labo sameecadood oo la waabka la iska soo hor jeediyo oo midba dhankeeda ka heesayso. Waxaana ka dhacda foorjo lagu foorjaynayo kolba qoloday sameecadu ka bakhtido amaba codkeedu ka gaabto qoloda kale.

Habeenka Gaafku Galbiskii wuu ka duwan yahay oo dadka meesha iskugu yimaadaa ma casuunee, iyagaaba looga fadhiyaa dhaqaale inay reerka usoo xareeyaan. Qof kasta oo kasoo qayb gala wuxuu kusoo talo gala adduun uu reerka cusub ugu deeqo.

Waxaa bilaabanta goor saqbadh ku dhawaadka ah munaasabadii Gaafka oo kolba qof ayaa magiciisa iyo lacagta uu ku deeqay laga dhawaaqayaa sameecada. Marka qofka magiciisa iyo lacagta uu bixiyay lagu dhawaaqo dumarka oo waabka badhtankiisa taagan ayaa mashxarada.

Lacagtan deeqda ah ayay dumar iyo ragu ka siman yihiin oo qof kastaaba wuxuu soo qaadaa inta karaankiis—10 kun, 15 kun, 20kun…. 50 kun, iyo wixii la hal maala. Markii ay dhamaatay ee la isku geeyay, arooskaan joogay waxaa usoo xarootay lacag 4 million oo shilinka Somaliland ah oo u dhiganta $650.

Iskastoo lacagtaas ay reerka cusubi leeyihiin, hadana waxay ii sheegeen dadka deegaanku inuu badanaa caruusku ku ambo bixiyo sodohda iyo martida kale.

Waxaa habeenkaas ilaa waabariga socda ciyaaraha dhaqanka ee dhalinyaradu ku ciyaarayso banaanka, waankii arooskana waxaa halkii laga sii ambo qaadaa—markay qaadhaan ururintu bilaabanto—qaylaadii iyo dhawaqii labada sameecadood ee iska soo hor jeeda.

Markuu waagu baryo, waxaa sodohda loo dareeriyaa xoolo ninba karaankiis ah—5 neef, 6 neef, ….—oo ay sodohdu leedahay, waxaana la dumiyaa gurigii caruusku todobaadkaas ku jiray oo reerku gurigii Jiingadee cusbaa ee loo dhisay ayay habeenkaas wixii ka danbeeya ku wareegayaan.

Waxaa hadaba xusib mudan, inkastoo gurigan Aqal Somali –ga ah ee kumeel gaadhka ahaa loo dhisay reerka cusub, hadana badanaa waxaa la dumiyaa qoyskaas oo aan dhinac wada dhigin. Arooska waxaa todobaad kaas oo dhan haysta saxmad iyo asxaab oo habeen oo dhan wuu qaylayaa. Sidoo kale gabadha aroosada ah ayaa iyada lafteedu la mid ah oo asxaabtaas todobaadkaas la damaashaadaysa, inkastoo iyada ay u dheertahay waliba shaqo ay ka shaqaynayso xafladeeda.

W/Q: Wariye Maxamed Xasan Cabdi(Addis)

Email: moaddis@gmail.com

Hargeysa, Somaliland

Comments are closed