|

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somalia Bayle oo Ka qayb galay Shirkii Golaha Amaan

New York 28.Feb 2014 (SDN)- Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaarada Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda magaalada New York ee dalka Mareykanka.

BAYLEWafdiga wasiirka ayaa ka qeyb galaya shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo looga hadli doono ammaanka dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Ducaale ayaa lagu wadaa inuu ka codsado Golaha Ammaanka in Soomaaliya laga wada qaado xayiraadda hubka, isla markaana laga taageero dhinaca milateriga si guul looga gaaro dagaalka ay dowladdu kula jirto Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka jawaabi doona eedayn uu Soomaaliya u soo jeediyey Guddiga La-sacodka Cunaqabataynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea, taas oo lagu sheegay in hubka Soomaaliya soo gala qaarkiis uu gacanta u galo Al-Shabaab.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa horay u khafiifiyay cunaqabataynta hubka oo Soomaaliya lagu soo rogay 1992-kii.

New York SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed