Uncategorized

Wasaarada Cadaalada Puntland oo soo saartay awaamiir Ramadaanta ku aadan

Garoowe July 10,2013(SDN)-Wasaarada Cadaalada ee Puntland ayaa soo saartay amaro ay maheradaha Maamul-goboleedka ku faray in ay u hogaansamaan awaamiirta bisha barakeysan ee Ramadaan.

Meheradaha raashinka ayaa ay tahay in ay xiraadaan xiliyad alagu gudo jiro gudashada Soonka bisha Ramadaan.

Wasiirka wasaarada Cadaalada ee Puntland Cabdi Khaliif Ajaayo ayaa ayaa amar ku siiyay dhamaan ciidamada amaanka ee Puntland in ay fiiro gaar u yeeshaan goobaha raashinka bisil lagu iibiyo.

Isla markaana ay tilaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan meheradii ku xadgudubta awaamiirta hageysa xiliyada shaqo ee Ramadaanta.

Maanta ayaa guud ahaan dalka Soomaaliya dadka badankiisu ay bilaabeen gudashada waajibaadka bisha Ramadaan ee Soonka.

SDN-Garoowe

contact@somalidiasporanews.com