Uncategorized

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo u Yeedhay 12-Safiir Oo Dalal Kala Duwan U Fadhiya iyo Sababta Keentay Yeedhmada

Muqdisho:16-Oct-2013(SDN)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa Soo saartay wareegto ay 12-safiir oo dibadda u jooga kaga dalbanayso inay dalka degdeg u yimaaddaan.

foosiya yuu12-safiir ee dalka dibaddiisa safaaradaha soomaaliya ku leedahay fadhiya, ayaa lagu eedaynayaa inay ku sifoobeen xil gudhasho la’aan baahsan oo ay  dib uga dhaceen xilkii loo igmaday.

Safiirradan ayaa la sheegayaa in marka  ay waddanka yimaaddaan si degdeg ah xilka looga tirin doono, islamarkaana la magacaabi doono beddelkooda oo haatanba la diyaariyey.

Ilo u dhuun daloola sababta keentay in kooxdan loo yeedho, ayaa noo sheegay inay shacabka soomaaliyeed ee ku sugan waddamada ay safaaradahaasi ku yaalliin ka gudbiyeen cabasho aad u xooggan, kuwaas oo safiirradan ku sifeeyey Budhcad-safaaradeed dhiigga shacabka ka baayac mushtareeya.

Safiirrada loo yeedhay ayaa kala fadhiya waddaman soo socda:

 

1 Safaarada dalka Sacudiga ee Soomaalida ku leedahay

2 Safaarada Soomaalida ku leedahay dalka Masar

3 Safaarada Soomalida ku leedahay Dalka Bakistaan

4 Safaarada Dalka Emaaradka ku leedahay Soomalida

5 Fafaarada Soomaalida ku leedahay dalka Isweysarland

6 Safaarada Soomaalida ku leedahay dalka Hindiya

7 Safaarada Soomaalida ku leedahay Dalka Turkiga

8 Safaarada ee Soomaalida ku leedahay Sinbiya

9 Safaarada Soomaalida ku leedahay Dalka Yugaandha

10 Safaarada Soomalida ku leedahay dalka Faransiiska

11 Safaarada Soomaalida ku leedahay Qaramada midoobay

12 Safaarada Soomaalida ku leedahay dalka Ruushka

 

Safiiradaan ayaa dhamaantood looga yeeray in ay soo galaan dalka gudahiisa ugu danbayn 26,10.2013 iyadoo xiligan wixii ka danbeeya cidaan iman laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan sida ay ku qoran tahay warqada loo soo diray 12 ka safaradood ee Soomaalida ku leedahay dalalkaas kor ku soo sheegnay iyadoona warqadan wasaarada arimaha Dibadda ka soo baxaya taariikhdu markay aheyd 12,10,2013.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com