|

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo digniin iyo wargelin muhiim ah u dirtay dadweynaha

Hargeysa 31, May 2012 (Qurbejoog.com)- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa markii u horeysay si caam ah muwaadiniinta ugaga digtay halista ka dhalanaysa cabida Sigaarka iyo Buuriga.

Sida lagu sheegay wargelin qoraal ah oo dadweynaha loo mariyay Telefoonada gacanta (Mobile-lada) ay sitaan ee shirkadda ugu wayn Isgaadhsiinta ee Telesom, wasaaradda Caafimaadka Somaliland waxay digniintan ku beegtay maalinta joojinta cabida Sigaarka oo loo asteeyay in sannad kasta 31 May laga xuso dunida.

Farriinta ay wasaaraddu dadweynaha u dirtay oo koobnayd, waxay u dhignayd sidan; “Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, waxay ku wargelinaysaa dhamaan dadweynaha inay iska joojiyaan cabida Sigaarka iyo Buuriga.

Muwaadin, waa halis dilaa ah.”

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed