|

Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Oo Maanta Baarlamaanka Horgeyn Doonta Odoros-miisaaniyadeedka Sanadka 2015-ka

Hargeysa:Nov,30,2014(SDN/QJ)-Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa maanta lagu wadaa inay Golaha Baarlamaanka Horkeenaa Odoroska Miisaaniyad-sanadeedka sanadka 2015-ka oo muddo badan lala sugayey Baarlamaanku inay Guda galaan.

wasiir samaaleMiisaaniyadda cusub ayaa ah middii ugu badnayd ee Muddo soo marta Golaha, waxana ay Gudo geli doonaan Gorfeynteeda oo ugu yaraan ay muddo Toddobaad ah wadi doonaan, intaas kadibna ay codka uqaadi doonaan.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegaysa inay Miisaaniyaddani tahay middii ugu badnayd ee abid kasoo baxda xaruntooda, waxana ay gaadhaysaa ilaa iyo 275-Milyan oo Dollar.

Odoroska Miisaaniyadda ayaan wali faahfaahin badan laga Haynin meelaha ay Culayska Saarayso, waxase maanta la filayaa inuu wasiirku si weyn u faahfaahin doono arrimahaas, iyadoo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay inta Badan ku faanto arrinta Miisaaniyadda.

Ilaa iyo intii xukuumadda Kulmiye talada qabatay waxa kor u socotay Lacagta Miisaaniyadda ah, waxase muuqata in nolosha dadka caadiga ahi aanay wax isbeddel ah samaynin, iyadoo Sixir Bararka Nolosha iyo maciishaddu kor usii kacayo.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed