Uncategorized

Wasiir eedo dul hoganayaan oo dhaliishiisa ku Sar jaray Xiligii Udub

Hargaysa 21.Oct 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo si adag uga difaacay eedo Musuqmaasuq oo uu jeediyey Wasiir hore uga tirsanaa Xukuumadii Madaxweyne Rayaale

Wasiirka Duulista iyo HawadaWasiir Maxamuud Xaashi ayaa isbarbar dhig ku samaayey dhismayaasha dawlada ay iibiyeen Xukuumadii Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumadda haatan ee Madaxweyne Siilaanyo, isagoo su’aalona ku duray masuulyiintii hawshaas gacanta ku haysay.

Wasiir Maxamuud Xaashi oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “ Rag waaweyn oo dadka xilal ka soo qabtay, oo xukuumadii u dambeysay ka mid ahaa, oo taariikhdooda la yaaqaano, oo la akhriyey,  ayaa isaga oo hadlayey wuxu lahaa Xukuumad musuqmaasuq badan oo dalkii boobtay ayaa in haysata, dalkuna badbaado ayuu u baahan yahay, umadda Somaliland ayaa ka markhaati kacaysa waxay ahaayeen iyo waxa aanu anagu nahay anagu.”

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa intaas ku daray “ aqalo ayaa la iibin jiray lacagtana gaar ayaa loo qadan jiray qasnada dawladana laguma soo shubi jirin waraaqaha dadka guryahaas laga iibiyeyna waxa lagu qorijiray Hibo. waa aqaladda laga dhisay Hindiyo Laynka, daaraha quruxda badan ee aad argteen, waynu u baahnayan oo magaalda bilic ayey ka sameeyeen, lakiin waxa laysku haystay Aqalka iibkiisa may ahyane, waxa ay ahayd hantida dakhliga ha lagu daro, oo umadda wax ugu qabta, Aqladaas caawa wax lagu badalay ma hayno, anagu dee kuwii aanu iibinay waxbaanu ku badlnay”

“ Waxaa lagu qoray waraaqihii muwaadiniintaas la siiyey, hibo, waa maxay Hibo macnaheedu? Waa siin, lacagtiina waa laga qaaday waraqihiina waxa loogu qoray waa laydin siiyey, raga waaweyan ee tijaarta ah ee maanta aqladaas dhisanayaa, ma Hibay u baahanyihiin?, Anagu hibo kuma qorno, gudida qandaraasyada Qaranka ayanu marina marka wax la iibinayo, si xalaal ah ayaanu u iibinaa dakhliga ka soo xaroodana miisaniyada ayaanu ku darnaa, waxna waanu ku qabanaa, hadii faylashayada la baadho markaanu tagnana mid walba halkii uu ka soo baxay iyo halkii uu galay waa la helayaa, oo hab xisaabeed ayuu leeyahay nimanka hantidaa hore sidaa u galay maanta in ay xishoodaan oo khajilaan ayey ahayad, inay nala yooyootamaan may ahayn in qolooyin saaxada siyaasada ku cusubi ha nala murmeen ayaa haboonayd.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi oo habeenkii xalay ka hadlayey munaasibad Shahaado sharafeed lagu gudoonsiiyey.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com