Boosaaso 21,Oct 2014 (SDN/QJ)-Maxamed Warsame Saxar oo algu fulinayay dil toogasho ah kadib markii ay maxkamadi ku xukuntay isagoo hore u dilay taliyihii booliska degamda Rako ee gobolka Karkaar ,ayaa intaan lagu fulin dilka qisaasta ah wuxuu sii tukaday laba ragcadood oo sunne ah waxaanu la hadlay warbaahinta oo uu ka hor caddeeyay in uu marxuumka loo qisaasayo si xaqdarro ah ku dilay waxaanu Illaahay ka baryay in uu dambigiisa ka dhaafo.

Ninka la qisaasay oo warbaahinta la hadlaya dilkiisa ka hor Goobta xukunka qisaasta ahi ka dhacay waxaa ku sugnaa masuuliyiin ka tirsan Dawladda Maamul Goboleedka Puntland oo ay kamid ahaayeen taliyaha qaybta booliska gobolka Bari iyo gudoomiyaha maxkamadda ciidamada iyo dembiyada culus.
Sidoo kale waxaa goobta jogay tobannaan qof oo ka kala socdey ehelada eedaysanaya iyo dhanka ehelada dambiilaha.
Ninka la qisaasay oo lagu magacaabo Maxamed Warsame Saxar wuxuu bishii 6aad ee lasoo dhaafay diley Cabdulaahi Faarax Gaacshe oo ahaa taliyihii saldhigga booliska ee degmada Rako.
Isagoo si kooban uga warbixinayey dareenkiisa wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay xukunka lagu fulinayo maadaama laga gudayo dembi uu hore u dilay qof muslim ah ah oo aan waxba u gaysan
” qof nasiib leh baa intuu qof dilo loo dilaa…waan ku faraxsanahay xukunka laygu fulinayo Ilaah iyo qaraabada marxuumkii aan sida xaq darrada ah ku dileyna cafis baan weydiisanayaa” Saxar ayaa daqiiqado kahor intaan la toogan sidaas u sheegay war-fidiyeenka.
Waxaanu codsaday intaan toogashada lagu fulin in uu salad tukado taasoo laga aqbalay oo uu goobta dilkiisa qisaasta ah lagu fulinayay uu ku tukaday’.
Boosaaso SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
