Uncategorized

Wasiir Isdifaacidiisu Karkaarka Weydaarisay, Eedo Lala Xidhiidhiyeyna Kula Galgashay Warbaahinta Madaxa Bannaan

Hargeysa:28-Sep-2013 (SDN) –Wasiir ku xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland C/laahi Abokor Cismaan ayaa iska difaacay eedo uu Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo isagu todobaadkii hore nin hubaysani ku weeraray Xaafadda Jigjiga yar ee magaaladda Hargeysa  ku eedeeyey in isaga iyo Wasiirka Warfaafintu   ay ka danbeeyaan weerarkaas.

abokokaCabdillaahi Abokor  oo la sheegay inuu Eedaysane ka yahay kiiska weerarkaas ayaa ku andacooday in Maxamed Faarax Qabille uu Jariimado hore u galay isla markaana uu mashruucsaday eedahaas oo kale.

Wasiir Abokor oo shalay u warramay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa  waxa uu kaga hadlay eedahaasi uu xildhibaanku dusha ka saaray,  “Warbaahinta ayuun baan arrintaas kala socday, run ahaantii Warbaahinteenu waxay u badan tahay dad Xil-kas ah, anigu awood aan u leeyahay inaan sii daayo nin eedaysane ahi marka horeba ma jirto oo run ahaantii nusqaan ayeyna ku tahay Qaranka iyo shaqsiyadaydaba” sidaa ayuu yidhi wasiir ku xigeenku, waxaanu intaa ku daray “Markaa haddii aan kala qaado arrintaas waxa lagaga hadlay Wargeyska Hubaal iyo Website-ka la yidhaahdo Hadhwanaagnews,  kiiskaasna waxa aanu jecelnahay inaanu hay’adaha dawladda ee ku shaqada leh ee baadhista inaanu u gudbino” ayuu ku dooday Mr. Abokor.

Dhinaca kalena waxa uu ku dooday “waa danbi wayn in nin masuul ahi uu eedaysane uu yidhaahdo waan sii daayey oo haddii ay jirtona danbi ka wayn oo nin masuul ahi gala ma jirto, markaa waxa aan jeclahay inaanu nidaam ku kala bixi doono oo laamaha dawladda ee CID-da iyo Xeer-ilaalintaba kiiskaas waanu u gudbinaynaa insha allaah oo ka Berbera iyo ka halkanbana cadayntoodana waa laga rabaa oo mana jirto dad aan anigu sii daayey”.

Wasiir ku xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland C/laahi Abokor Cismaan isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Horta waxa aan jeclahay inaan idiin sheego inaan kiiskan iyo su’aalaha aad i waydiinaysaanba aan hore uga jawaabay, mida kale qofkasta waa la eedaynkaraa ama masuul ha noqdo ama shacab midka uu doono ha noqdee waa la eedaynkaraa, marka lagu eedeeyo ka dib ayuun baa cadaynta loo baahan yahay oo ay imankaraysaa, mida kale waxkastaa taariikh ayey leeyihiin oo ummadu hadii ay taariikhda iska indho-tirto maalinkasta wax cusub ayaa imanaya. Anigu aqoon gaar ahna waanu isku lahay Maxamed Faarax oo rag isku reer Saaxil ahna waanu nahay, Qabile dhacdadan oo kaliya uun maaha markii ugu horaysay ee uu yidhi waa la i dhilay oo ilaa wakhtigii Marxuum Cigaal isagaa kiis dil ah in mudo ah Berbera ugu xidhnaa, wakhtigii Ina Rayaale-na waxa uu yidhi waa la i dilayaa imikana waxa uu leeyahay waa la i dilayaa, Markaa waa iska dhaqan-guud oo uu ninkani iska leeyahay. Mida kale waa Alxamdulilaah mar hadii uu eedaysanihii xidhan yahay waa inuu eedii uu igu soo eedeeyo uu Maxkamadaha keeno, hadii uu keeni waayo-na arintu way isbedelaysaa oo anagaa markaa noqonayno dadkii wax eedaynayey”.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com