|

Wasiir ku Xigeenka arrimaha Gudaha oo Furay Shir Wada Tashi ah oo ku Saabsan Mashruuca horumarinta Dawladaha Hoose

Hargaysa 31.March {SDN} Wasiir ku xigeenka Maamulka ee  wasaarada arimaha Gudaha Mud, Cismaan Garaad Soofe, ayaa maanta  kulan hal maalin ah uga furay Magaalada Hargeysa maayerada  iyo Xog-hayayaasha Fulinta  ee Todoba degmo oo uu ka socdo mashruuca GPLG ee Dawladaha Hoose.

Kulan-howleedkan oo ku saabsan sidii looga  arinsan lahaa  howlaha mashruuca GPLG iyo  sida uu degmooyin-kaasi uga shaqeeyo.

Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha ee dhinaca Maamulka Mudane Cismaan Garaad Soofe oo  hadal uu ka jeediyey  furitaankii Kulankaas ayaa ka warbixiyay   mashruuca GPLG, kaas oo uu sheegay in uu  la xidhiidho  maamul daadejinta, waxaana wasiir ku xigeenku  xusay, in fidinta maamul daadejinta  iyo Hirgalinteeda ay wasaarado badani ka shaqeeyaan,balse ay dhiman tahay  siyaasadii  ay ku wada Hawlgeli  lahaayeen Hayadaha   qaybta ka ah howsha maamul daadejinta.

Mud, Cismaan Garaad Soofe, waxa uu intaa  ku daray in kulan maalmeed-keen lagu  falanqayn doono , siyaasadii ay ku wada shaqayn lahaayeen  wasaaradaha uu mashruucani kulmiyo.waxaana  uu ka qayb galayaasha u soo jeediyey inay  kulan-kan  ka soo saaraan wixii  talo iyo khibrad ah ee ay ku kordhin  lahaayeen hanaanka  wada shaqaynta iyo doorka  la kala leeyahay .

Hargaysa SDN.

qurbejoog@gmail.com

 

Comments are closed