Uncategorized

Wasiir Ku Xigeenka Cadaalada oo Socdaal dhaqaaq Joogsi ah ku Tegay Laascaanood daqiiqado kadibna dib uga soo Jarmaaday

Laascaanood 27.October 2013 (SDN)- Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Cadaalada Nuur Cismaan Guuleed ayaa gaadhay magaalo madaxada gobolka sool ee laas caanood halkaasoo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen masuuliyiinta heer gobol iyo heer ee degmo ee gobolka  sool.

waxaana soo dhawaynta ka dib uu wasiir ku Xigeenku wuxuu kulamo xog waraysi ah la yeeshay masuuliyiinta garsoorka gobolka oo uu ka dhagaystay warbxino ku saabsan amuuraha cadaalada iyo garsoorka ee Gobolkaas .

Wasiir Ku Xigeenka Cadaalada1Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Cadaalada Nuur Cismaan Guuleed ayaa kulankaasi ka dib waxa uu booqday xabsiga dhexe ee magaalada laascaanood , maxakamadaha iyo saldhiga dhex ee magaalada  halaasoo uu kula kulmay masuuliyiinta ka hawl gasha.

Gabogabadii wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Cadaaladda  oo uu weheliyo gudoomiyaha gobolka sool maxamed faarax aaden ayaa si wada u dhagax dhigay xarun cusub oo ay yeelan doonto wasaaradda cadaalada ee gobolka sool  waxaanu wasiirku halkaasi ka sheegay in xaruntani ay noqon doonto mid loogu adeego cadaalada isla markaa  uu ku bogaadinayo cid kasta oo gacan ka geysatay suurgalinta dhismahan waxaanu si weyn uga mahad celiyay  bulshada iyo masuuliyiinta gobolku sida fiican ee ay usoo dhaweeyeen.

Wasiir ku xigeenkan oo ay u ahayd markii kowaad ee uu safar ku tago Magaalada Laascaanood ayaa daqiiqado kadib waxa uu u Kicitimay dhinaca Magaalada Ceerigaabo.

Dhagax dhiga Xarunta Sool (1) Dhagax dhiga Xarunta Sool (2)

 

Laascaanood SDN.

Qurbejoog.com