Uncategorized

Wasiir Xaglo Toosiye oo Xilkii Wasaarada Dibu Dejinta ku Wareejiyay Wasiirkii loo Magacaabay

Hargaysa 03.July (SDN) Wasiirka Cusub ee wasaarada Dib-u-dejinta  mud,Axmed Cali Kaahin ayaa maanta xilkii  wasaaradaas kala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradaasi, ahna wasiirka Wasaarada caafimaadka Mud,Saleebaan Ciise Axmed-Xaglatoosiye.

Xafladda Xilwareejinta oo lagu qabtay Xarunta wasaaradaasi, kana soo qayb galeen  Xubno Golaha wasiirada ah iyo shaqaalaha  iyo madaxda kale ee wasaaradaasi, ayaa Agaasimaha Guud ee wasaarada dib-u-dejinta  Cali Maxamed cabdallah Biikolo oo halkaa ka hadlay waxa uu  ka waramay  hawlaha kala duwan ee wasaarada iyo  wax-yaalihii u qabsoomay wasaarada  intii  ay wada shaqaynayeen wasiirkii hore. Waxaanu tilmaamay in ay soo dhoweynayaan wasiirka cusub ulana shaqayn doonaan sidii ay wasiirkii ka horeeyay ula shaqaynayeen.

Wasiirkii hore ee wasaaadaasi, ahna wasiirka wasaarada caafimaadka Mud,Saleebaan Ciise Axmed oo halkaa ka hadlay,ayaa waxa uu  sheegay in mudadii uu wasaarada joogay ay wax badani u qabsoomeen, waaxyaha wasaaradana ay kordhiyeen, iyada oo waxyaabaha u qabsoomay ay ka mid yihiin dhismaha ay wasaaradu hadda degan tahay iyo qalabaynta xafiisyada kala duwan ee wasaarada.

Mud, Saleebaan waxa uu halkaas uga mahad naqay shaqaalaha wasaarada  sidii wanaagsanayd ee ay ula  soo shaqeeyeen mudadii uu wasaarada joogay, waxaanu u soo jeediyey inay wasiirka cusubna  sidaas iyo si ka wanaagsan ula shaqeeyaan.

Wasiirka Cusub  ee wasaarada dib-u-dejinta Mud, Axmed Cali Kaahin oo isna halkaa ka hadlay ayaa waxa uu Wasiirkii hore iyo shaqaaaha wasaaada uga mahad celiyey sida wanaagsan ee loo soo dhoweeyey Xilkana uu ugu wareejiyey wasiirkii hore. Waxaanuu xusay in uu  howsha wasaarada halka ay joogto ka sii amba qaadi doono isaga oo la kaashanaya shaqaalaha iyo madaxda kala duwan ee wasaarada.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com