Hargeysa:June,22,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa markii ugu horraysay Ka Hadlay Hankiisa siyaasadeed, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu leeyahay Han gaadhsiisan Heer Madaxweynenimo.
Wasiir Maxamuud Xaashi oo Shalay warbaahinta kula Hadlay Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal International, ayaa sheegay inuu siyaasadda ku Biiray xilli uu wiil yar oo barbaar ah ahaa oo aanu meelaha sare ku boodin, “siyaasadda kama bilaabin wasiire anigoo 20-jir ah oo dugsigii sare ka Baxay baan ku biiray Halgankii SNM, Waxana aan kasoo qabtay Maamullo.” Ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.
Wasiirka oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inuu Maanka ku hayo inuu Umad Hoggaamin karo, waxase uu meesha ka saaray inuu wakhti xaadirkan musharrax yahay, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlaya uu yidhi,“Buurta dheer ee Halka ugu sarraysaa Madaxweyne Tahay baan halka ugu hoosaysa kasoo fantay, maayar baan soo noqday, Xildhibaan baan soo noqday, Hanweynna waan leeyahay, waxana aan qabaa inaan hoggaamin karo umad ballaadhan, oo aan horumar ballaadhan samayn karo, Laakiin Hankaygu waaa mid waaqaca ka turjumaya mana degdegsani oo ma lihi imikaan sharraxanahay, laakiin ma han li’i.”
Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa kamid ah wasiirrada ugu awoodda Badan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxana lagu tilmaamaa Xubnaha lama taabtaanka ah ee Xilalka ay hayaan muddada dheer fadhiyey, isla-markaana aan qabin warwar la xidhiidha inay xilkaas waayi karaan.
SDN/QJ
