|

Wasiirka Cadaalada oo Furay Bandhig Wax soo Saarka Ciidanka Asluubta Somaliland

Hargaysa 30.April (SDN)  Wasiirka Wasaarada Cadaalada ee Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid ayaa maanta Xadhiga ka Jaray Bandhig loo qabtay  Wax soo saarka qalabka Guryaha iyo Xafiisyada oo ay Soo Saaren Ciidanka Asluubta Somaliland .

Waxaa Bandhigan la keenay agabka kala duwan sida Guryaha iyo Xafiisyada,adeegyada birta,Alxanka iyo dhar tolista,oo ay dhamaantoodba soo saareen Ciiddanka Asluubta Somaliland .

Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax “Xiirane” oo Munaasibada Furista bandhigan ka hadlay ayaa sheegay inay  tahay wax lagu farxo wax soo saar Muga leh ee ay ku talaabsadeen Ciidanka Asluubta,isagoo intaas ku daray inay Wax soo saarkani uu u  adeegi doono bulshada Somaliland isla markaana aan waxba u dhimayn Ganacsiga Goobaha wax soo saar ee la mid ka ah.

Taliyaha Ciidanka Asluubtu waxa uu ka dalbaday Shacabku inay ka faa’iidaystaan qalabka wax soo saar ee Ciidanka Asluubta oo uu xusay inay ka tayo sareeyaan kuwa kale ee dalka.

Wasiirka Wasaarada Cadaalada ee Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid ayaa dhiniciisa ku sifeeyay horumar ay ku talaabsadeen Ciidanka Asluubta Somaliland,Maadama agabkani uu dabooli doono baahi Jirtay , Wasiirka Cadaaladu waxa uu Bulshada ka dalbaday inay dhiirigeliyaan Wax soo saarka Ciidanka Asluubta .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed