|

War Deg Dega:Mucaaradka Jabuuti oo Ku Dhawaaqay Baarlamaan iyo Guudoomiye Cusub(DAAWO)

Jabuuti April 30,2013(SDN)-Mucaaridka dalka Jabuuti ayaa maanta ku dhawaaqay Baarlamaan iyo Guddoomiye cusub oo ay sheegeen oin ay yihiin kuwii ku guuleystay doorashooyinkii dalka ka qabsoomay bishii labaad ee sanadkan.

Baarlamaanka cusub ayaa waxa u badan xildhibaano ka tirsan dalada mucaaridka Jabuuti ee USN.

Baarlamaanka cusub ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti ayaa fadhi uu yeeshay ku doortay Guddoomiye Cusub.

Siyaasiga caanka ah ee reer Jabuuti ee mudada dheer ahaa Mucaaridka Ismaciil Geedi Xareed ayaa loo doortay in uu Guddoomiye u noqdo Baarlamaanka.

Dawlada Jabuuti ayaa hore ugu dhawaaqday Baarlaamaan ay ka mid yihiin 15 xubnood oo Mucaarid ah.

Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar ayaan ilaa iyo haatan wax jawaab ah ka bixin ku dhawaaqida Mucaaridka ee
Baarlamaanka.

SDN-Jabuuti

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed