Hargeysa April 05,2012(SDN)-Waxa maalmihii u danbeeyay si weyn la iskula dhexmarayay magaalada Hargeysa shidaal la sheegay in Somaliland laga baarayo oo warbaahinta caalamku aad u hadal heysay.
Shirkad reer Austaraliya ah ayaa dhawaan shaacisay in ay heshiis la gashay shirkada Petrosom si markaa ay u anba qaado sahanka iyo qiimeynta shidaalka Somaliland.
Aagag aad ugu dhaw caasimada Somaliland ayaa loogu kalsooni badan yahay in laga qodo shidaalka.
Rejadaa ayaa noqotay mid sababtay in dadka ku nool aagaga shirkadaha shidaalku tuhmayaan in dad badani dhul ka iibsado ama iska xeerto.
Sidoo kale waxa Hargeysa maalmihii u danbeeyay la hadal hayay in isla aaga Habar Gadhxajis laga helay macdan iyo dhagxaan qiimahoodu sareeyo.
Ganacsade reer Somaliland ah oo la yidhaahdo Maxamed Yusuf oo ku nool dalka Britain ayaa hormuud ka ah sahankan u danbeeyay ee lagu qiimeynayo kheyraadka beriga Somaliland.
SDN-Hargeysa
