|

Wasiirka Duulista Iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi Somaliland Waxa Uu Wadaa Kana Siliiga Ku Giiji Kana Ka Leexi.Boqor Raabi Yuusuf Ducaale

maxamud

Hargaysa 31/8/2014 (SDN/QJ)Boqor Raabi Yuusuf Ducaale Oo Ka Mid Ah Boqorada Somaliland,Ayaa Ka Hadlay Siliiga Ay Wasaarada Duulista Iyo Hawada Somaliland Ku Wareejisay Garoonka Diyaarada,Kaas Oo Uu Sheegay Inuu Wasiirku Doonayo Kana U Xagli Kana Ku Adkee.

Boqorka Ayaa Waxa Kale Uu Usoo Jeediyay Wasiirka Duulista In Ay Dadkani Yihiin Shacab Iyo Maati Isku Jirta Isla Markaasna U Baahan Yihiin Tageero,Balse Aanay U Baah-Nayn Hadidaad.

Boqorka Oo Qoraal Kooban Soo Gaadhsiiyay Hadhwanaagnews Ayaa Waxa Uu Yidhi”

Uubaale Waa Meesha Ay Uga Yimaadaan Caasimada Waxyaalaha Daruuriga Ah Iyo Nolosha Bulshada Ee Lagama Maarmaanka Ah, Taasoo Ka Dhigaysa Muhiim In Xukuumada, Golayaasha Deegaanka Iyo Shacbiguba Ay Siiyaan Dadka Dagan Uubaale Tixgalinta Iyo Qiimaha Ay Leeyihiin

– Boqor Raabi Yuusuf Ducaale Oo Hadalkiisa Siiwata Ayaa Waxa Uu Intaasi Raaciyey” Guud Ahaan Waxaana Haboon In Lagu Dhaqmo Xeerka Madaniga Ah Qodobadiisa 806-820 Oo Cadaynaaya Qofkastaa Xaquu Leeyahay Deganaasho Iyo Qadarin Lagu Siiyo Beertiisa Iyo Gurigiisa, Waxaana Uu Sharcigu Cadaynayaa In Mulkiilaha Guriga Iyo Beertu Inay Xaq U Leeyihiin Inay Helaan Wado Ay U Maraan Beertiisa Iyo Gurigiisa Oo Uu Kula Xidhiidho Degaanada Kale, Arintaaso Muhim U Ah Wada Noolaasha Iyo Daris Wadaaga Iyo Nabadgalyada.

Degaanka Uubaale Waxa Ka Soo Unkamay Jamaacada Waxaana Ka Sii Unkamay Hargeisa Degaankeeda, Waana Albaabkii Iyo Asaaskii Caasimada Somaliland, Dadkeedu Waa Dad Nabad Jecel,Samotalis Ah, Wax Badanna U Dulqaata Iyagoo Ilaalinaaya Danta Qaranka, Iyaguna Waxa Ay Xaq U Leeyihiin In La Siiyo Qadarinta Ay Leeyihiin Cidda Aan Hore Ula Soconna Taariikhdaa Maqaalkani Ha U Noqdo Daris.

Shacbiga Degaankaas Oo Aan Ka Mid Ahay Madax Dhaqameedkiisa Daacada U Ah Ilaalinta Danahooda Iyo Ilaalinta Nidaamka Dawladnimo Waxaan U Arkaa In Mesha La Yidhaahdo Masalaha Ee Kala Qaybiyay Hargeisa Iyo Degaanka Uubaale Lagu Wareejiyay Dayr Taasoo Aan Inta Badan Lagala Tashan Waxgaradka Iyo Madaxdhaqameed Ka Soo Jeeda Degaankaas Iyadoo Ahayd In Wasaarada Duulista Iyo Hawada, Dawlada Hoose Ee Hargeysa Iyo Wasaarada Hawlaha Guud Ay Dajiyaan Qorshe  Raali Galin Kara Dadka Dagan Uubaale Isla Markaasna Xukuumadu Ay Fushan Lahayd Nidaamkeeda, Iyada Oo La Siinaayo Dadwaynaha Dagan Uubaale Xaqqa Ay U Leeyihiin Inay Helaan Meel Ay U Maraan Ama Gurigooda Waxaana Layaab Ah Waxa Manta Kala Xidhan Beer Nin Leeyahay Iyo Gurigiisii Oo Mid Waliba Ku Yaalo Dacal Oo Uu Kala Jaray Siliga Lagu Wareejiyay Airport Ka Oo Aan Wali Si Toosa Loo Samaynin Siliga Oo Ay Ka Muuqato Hal Ka Leexi Hebelna U Leexi Taasoo Siliga Ka Dhigtay Sidii Kaadi Dibi.

Tilamaan Ahaan Hadaad Eegto Darbiga Madaxtooyada Guryaha Ku Xiga Oo Uu Leeyahay Marxuun Xashiish Albaabka Lagama Xidhin Waxaana La Sameeyay Darbi Loogu Talo Galay Madaxtooyada Waxay Ahay

Sidaasoo Kale In Mashruucu Noqdo Mid Waxtar U Ah Qaranka Iyo Degaanka Oo Aan Abuurin Iyo Kala Fogaansho Dadwaynaha Iyo Xukuumadiisa.

Hargeisa SDN/QJ

Maxa,ed Aadan@Qurbejog.com

Concat@somalidiasporanews.com

Comments are closed