Uncategorized

Wasiirka Duulista Oo Shaqadii Taxi-yada Madaarka Hargeysa Kooto Ugu Xidhay Shirkadda Raaxo Oo Uu Leeyahay Wasiir Hore Oo Madaxtooyada Ku Xidhani

Hargeysa:19-Dec-2013(SDN)-Dagaal iyo Gacan-ka-hadal ballaadhan ayaa saaka Garoonka Diyaaradaha Hargeysa ku dhex maray Taxi-layaasha ka xamaasha halkaas iyo kuwa u shaqeeya shirkadda baabuurta kiraysa ee Raaxo oo halkaas dhisme gaar u ah ka samaysanaysay.

iiiiSida noo sheegeen warar xogogaal ahi wasiirka Duulista  Somaliland Maxamuud Xaashi ayaa amar ku bixiyey inay shirkadda Raaxo Taxi Madaarka dhexdiisa ka samaysato dhisme gaar u ah oo gaadiidkeeda la dhigo, kaas oo aan cid kale soo  geli Karin, isagoo sidoo kale shirkadaas kooto ugu xidhay cid kasta oo garoonka laga qaadayo ama la keenayaba, maadaama ay dhisme ka samaysatay.

Dadka kale ee Farsamada Taxi-lanimada kaga shaqaysta garoonka ayaa dhismahaas saaka is hortaagay, waxana halkaas ka dhashay  gacan-ka-hadal iyo dagaal ballaadhan, iyadoo markii dambe dhismihii la joojiyey.

Qaar ka mid ah ragga taxi-layaasha ah ayaa sheegay in wasiirku doonayo inuu si xaaraan ah kooto ugu xidho shirkadda Raaxo shaqada garoonka ay ka hayaan, waxana ay sheegeen inay taas aqbalaynin, maadaama ay sharcidarro tahay.

 

Wasiir Maxamuud xaashi ayaa lagu eedeeyey inuu si hoose kooto u siiyey shirkadda Raaxo oo uu leeyahay Wasiirkii hore ee wasaaradda Boosaha iyo is gaadhsiinta Axmed Xaashi Oday oo haatanna ka mid ah ragga sida weyn madaxtooyada ugu xidhan, iyadoo inta  badan goobaha xukuumaddu maamusho si weyn loogu arko hawlgallo ay shirkadani ka fulinayso.

 

Wasiir maxamuud xaashi ayaa haddii ay arrintani ku caddaato noqon doono shakhsi khiyaameeyey hawshii qaranka ee loo igmaday, waxana ay ka mid noqon doontaa eexaha iyo u adeegidda cid gaar oo taariikhda u gasha.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com