|

Wasiirka Duulista Somaliland oo Kulan Addis ababa kula yeeshay Wasiirul dawlaha Gaadiidka Itoobiya

Addis Ababa 23.June (SDN) Wasiirka Duulista hawadda Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa magaaladda Addis-ababa kulamo kula yeeshay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dawladda dalkaasi oo uu ka mid ahaa Wasiirul dawladaha Wasaaradda Gaadiidka iyo isgaadhsiinta Md. Gitaju Migiste.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray madaxa Baratakoolka Wasaaradda Duulista Cabdilaahi Axmed Caarshe, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Wasiirka wasaarada Duulista Hawadda jamhuuriyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa socdaal hawleed oo rasmi ah ku tagay todobaadkan dalka Ethiopia, iyadoo loogu soo dhaweeyey si maamuus iyo maqaam sare leh.
Mudadii Koobnayd ee Wasiirku ku sugnaa magaalada Adis-ababa wuxuu kulamo goos-goos ah oo qorshaysnaa la yeeshay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaadiidka & Isgaadhsiinta Ethiopia Mudane Gitaju Migiste.

Labada Wasiir waxay ka wada hadleen arrimo muhiim ah oo ay saldhig u tahay xoojinta xidhiidhka iyo wada shaqaynta labada wasaaradood, kor-u- qaadida ka ganacsiga hawada Somaliland gaar ahaana dhinaca Itoobiya.

Dhinaca kale labada wasiir waxay isla jeex-jeexeen guud ahaan sidii loo adkayn

lahaa iskaashiga iyo isku duubnida labada Dal ee jaarka iyo jaalka ah,taas oo ay bud-dhig u tahay siyaasadda labada xukuumadeed ee ay gadhwadeenka ka yihiin Mud,Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Mud,Xayle Maryam Desalagn.

Waxaa kale oo wasiirku uu la kulmay masuuliyiinta ugu sar-saraysa shirkada dayuuradaha ee Itoobiyan Airline. Kulankaas oo ay labada dhinac kaga wada xaajoodeen sidii loo ballaadhin lahaa duulimaadyada ay Itoobiyan Airline ka wado gudaha Somaliland, iyada oo waqtigan ay shirkaddu duulimaadyo maalinleh ah oo joogta ah ka samayso Madaarka Caalamiga ah ee Magaalada Berbera oo Qudha. Sidoo kale Kulankaas labada dhinac waxay iskula meel dhigeen sidii xal loogu heli lahaa cabashooyinka iyo dib-u-dhacayada ku yimaada qaar ka mid ah shandadaha ay sitaan dadka qurba joogta ah ee xilligan xagaaga dalka ku soo laabanaya.

Waqtigii uu wasiirku ku sugnaa halkaa wuxuu kulamo kale oo muhiim ah la yeeshay qaar ka mid ah masuuliyiinta ugu saraysa safaarada Ingiriishku uu ku leeyahay magaa

alada Adis-ababa ee dalka Itoobiya, kulankaas waxay labada dhinac iskaga xog-waraysteen mashaariicda horuumarineed ee ay dowlada Ingiriishku la wado Wasaarada Duulista Hawada Somaliland.

Sidoo kale Wasiirku wuxuu si mug leh ugu bandhigay Dowlada Ingiriishka muranka iyo is-maandhaafka ka taagan hawada dalkii la isku odhan jirey soomaliya oo ay maamulkeeda gacanta ku hayso Qaramada midoobey , isagoo u gudbiyey mowqifka ay dowladda Somaliland ka taagan tahay arrinta hawada iyo cabashooyin ka dhan ah qaabka ay Qaramada midoobey u maamushay hawada Somaaliya iyo Somaliland.”

Addis Ababa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed