Uncategorized

Wasiirka Duulista Somaliland Oo Sharaxaad ka Bixiyey Kormeer Uu ku Samaayey Mashaariic laga Wado Madaarka Burco

Hargaysa 07.March 2014 (SDN)- Wasiirka Duulista ayaa sheegay in ujeedada kormeerkaasi uu ahaa sidii uu ugu kuur gali lahaa xaalada Madaarka Burco iyo halka ay marayaan Mashaariic horumarineed oo ay fulintiisa gacanta ku hayso guddida dib u dhiskama Madaarkaasi.

Wasiirka Duulista iyo MadaarkaWasiir Maxamuud Xaashi Cabdi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in lagu guulaystay in dib loo soo celiyo dhul balaadhan oo madaarki lahaa oo dad shacab ahi ay sifo sharci daro ah ku dageen isla markaana la dayray dhulkaasi.

“Ujeedada aan kormeerkaasi ka lahaa waxay ahayd inaan u kuur-galo, hawlaha iyo mashaariicada ka socda madaarkaasi, sida la xasuusan yahay madaarka burco wuxuu ahaa mid faraha ka baxay hay’ada ICAO ee dunida madaaradeeda qiimaysaa ay ka saartay maabka madaarada ka dib markii la bililiqaystay lana googoostay, Xukuumaddani waxay ay go’aan adag ku qaadatay inay soo celiso dhamaan dhulkii madaarku lahaan jiray, oo dad ay sifo sharci daro ah ay ku dageen, isla markaana xayn daab loo sameeyo, hada laba waji ayaa dhamaaday oo ILAHAY inagu guuleeyey dhamaan dhulkii madaarkana waa la soo celiyey gacanta ayaana lagu dhigay, waxa kale oo lagu guulaystay mashruuca qaybtii labaad oo ah in la dhiso xayndaab iyo dayr aad u dheer kaas oo ka kooban 9KM (Sagaal Kiiloomitir), oo isugu jira ilaa 4.5 KM oo dhisme laban ah oo xaga sare taar ku leh iyo ilaa 4.5 KM oo taar adag ah, hay’ada ICAO oo safar ku timidna waxay aqoon satahay dayrkaasi, waxay xaqiijiyeen inuu buuxiyey shuruudihii looga baahnaa.” Ayuu yidhi Wasiir Xaashi.

Wasiirka Duulista ayaa sidoo kalena ka hadlay qodobada u dhiman ee fulintooda ay hada bilaabayaan waxa uu yidhi “ maanta waxa Wasaaradda duulista iyo Guddida dib u dhiska madaarku ay u qalab qaadanayaan iyagoo is kaashanaya sidii loo samayn lahaa dhabada dayuuraha (Runway), kaas oo ay diyaaraduhu ka duuli doonaan, shaqadiisana hore ayaa loo bilaabi doonaa, waxana aanu mustaqbalka dhisi doonaa Runway ilaa 3 KM oo ay Xukuumadda Somaliland iyo Guddidu iska kaashanayso, waxan aanu rumaysan inaynu samayn karo, waayo maalintii aanu meeshaa dadka ka raraynay dad badan ayaan rumaysnyeyn in madaarka dhulkiisa la soo celin karo, maanta waa kaas inoo dhisan.”

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa geesta kalena ka hadlay Muhiimada ay Garoomahada dalka kala leeyihiin iyo qaabka dhismahooda ay u kala horaysiiyaan waxana uu yidhi “ Wasaaradda Duulistu siyaasad ayey ka leedahay madaaradda dalka, kala horumarintooduna maaha mid ku xidhan kala jelaysi iyo wax la mid ah, laakin waxay kala leeyihiin Istaraatijiyad, xooga aanu madaarka Hargeysa saaraynaa xikmad ayuu xambaarsan yahay oo waa caasimadii dalka, madaarka Berbera isna marsadii ayuu meel kula yaalaa xikmad ayuu isna xambaarsan yahay, madaarka Burco isaguna muhiimadiisa ayuu leeyahay wuxuu waraabiyaa gobolad bari ee dalka oo dhan, arimahaas ayaanu ka duulaynaa, markaas Madaaradda Laascaanood, Boorama iyo Kala-baydh marka kuwan laga hor marina in laga jecel yahay.” Ayuu yidhi Wasiir Xaashi.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com