|

Wasiirka Gaashaandhiga oo socdaal ku aaday wadmada ciidamadoodu ay Somali joogaan ee Kenya iyo Uganad

Muqdisho Dec 23 2012 (SDN)– Wasiirka Gaashaandhiga dalka Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo ay wehliyaan xubno kamid ah saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta u ambabaxay dalka Kenya.

Socdaalka Wasiirka gaashaandhiga dalka Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa wuxuu ugu horeyn ku tagi doonaa dalka Kenya halkaasi oo uu kula kulmi doono wasiirka gaashaandhiga dalka Kenya Yuusuf Xaaji ayna kawada hadli doonaan arimaha gaashaandhiga labada dal.Kulanka Wasiirada gaashaandhiga Soomaaliya iyo Kenya ay yeelan doonaan ayaa waxaa looga hadli doonaa arimaha ammaanka iyo sidoo kale sii wadista dagaalka ka dhan ah Shabaab.

C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka Gaashaandhiga dalka Soomaliya ayaa sidoo kale wuxuu safar ku tagi doonaa dalka Uganda halkaasi oo uu kula kulmi doono wasiirka Difaaca dalkaasi.

Labada masuul waxa ay kawada hadli doonaan howlgalada dalka Soomaaliya iyo sidii Dowladda Uganda ay ula qabsan laheyd isbedelada dhanka amaanka ee dalka Soomaaliya.

Dhawaan ayeey aheyd markii Wasiirka Gaashaandhiga dalka Soomaaliya uu heshiis dhanka Gaashaandhiga ah lasoo saxiixday Dowladda Turkiga kadib socdaal uu ku tagay dalkaasi.

SDN-Muqidsho

Comments are closed