|

Duqa(Mayor) magaalada Ceerigaabo oo maanta xilkaa loo dhaariyay

Ceerigaabo Dec 23,2012(SDN)-Golaha Degaanka Ee magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigabo ayaa saaka waxaa si rasmi ah u dhaariyay Gudomiyaha Maxkamada ee Gobalka Sanaag .

Fadhigan waxaa Goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Aadan Diiriye Cigaal Geel Jire.

Ka dib markii la dhariyay 11 xildhibaan ee ka mid ah 21 ku soo baxay doorashadii Golaha Deegaanka ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Maayarka iyo maayir ku xigeenka.

Waxaana Maayarka degmada Ceerigabo mar labaad Loo Doortay Ismaciil Xaaji Nuur oo muddo ka badan 10 sano soo ahaan Maayarka Ceerigaabo.

Xubnaha Golaha Deegaanka Ceerigaabo waxay sidoo kalena Maayar ku Xigeen u Doorteen   Xildhibaan Saalax ismaciil Cabaase oo ka soo baxay xisbiga.

Doorashada Golaha Deegaanka ee Magaalada Ceerigaabo ayaa ku soo dhamaatay jewi nabadgalyo ah isla markaana ay isu haneeyeen Labadii Dhinac ee markii hore isku hayay,iyadoo horaantii todobaadkii tagay ay 11 Xildhibaan oo ka mid ah 21 Mudane ee Golaha Deegaanka ee Magaalada Ceerigaabo fadhi ay yeesheen ku doortay Maayarka iyo Maayar xigeenka maanta marka kale dib loo caleemo saaray.

SDN-Cerigaabo

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed