|

Wasiirka Horumarinta Adeega Bulshada oo heshiis la gashay Dowlada Turkiga

Muqdisho 30.June (SDN) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada Dr. Maryan Qaasim Ahmed iyo wafdi balaaran oo ay hogaaminayso oo maalmahaan howlaha shaqo u joogay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa Heshiis dhinacyo badan taabanaya lagashay Wasiirka Caafimaadka Dowlada Turkiga.

Heshiiskaas ayaa ku saabsanaa furitaanka isbitaalka weyn ee Digfeer oo dhawaan ay dowladda aan walaalahanahay ee Turkigu dayactireen si loogu adeego shacabka Soomaaliyeed ee u baahan daryeelka Caafimaad iyadoona Isbitaalka la furi doono bisha September ee Sanadkaan 2013.

Waxaan wada galnay heshiis muhiim u ah umadda Soomaaliyeed, Isbitaalka waxaa loo dayactiray si dhameystiran waxa uuna ka kooban yahay 200 sariiro waxa uuna yeelan doonaa 32 qeyb oo oo ah ICU (intensive care units) asigoona noqon doono Isbitaalada ugu casrisan geeska afrika sidaas waxaa tiri wasiirka Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada oo ku sugan Magaalada Istanbul.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Dr. Maryan ay heshiisyo la saxiixato maddax badan oo caalamka ka tirsan tani ayaa daba socota dadaalka balaaran oo ay wado Wasiiradda iyadoo ku dooneyso in qoys walba oo soomaaliyeed meesha uu joogo uu ku helo adeeg caafimaad oo dhameytiran Shanta sano ee soo socota haddii ilaah yiraahdo.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed