Hargeysa, 24 April 2015 (SDN/QJ)-Wasiirka Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan ayaa la sheegayaa inay walaalkeed Maxamuud Cabdi Aadan oo ku magac-dheer ‘Xaajiga’ qandaraas ku siisay soo dejinta timirta bisha ramadaan la siiyo qaar ka mid ah hay’adaha iyo xaruumaha ay dawladu maamusho sida cisbitaalada TB, jeelasha, ciidamada.
Timirtan oo keenisteeda ay dawladu qandaraas ku bixin jirtay ka hor intaanay soo galin bisha barakaysan ee ramadaan ayaa markii ay dhawaan siday caadadu ahayd ay madaxda xukuumadu qorshaynayeen arrinta soo dajinteeda, siday xoggo Haatuf helay tibaaxeen waxay wasiir Samsam ku warbixisay in doorkan la hayo cid timirtaasi samafal ahaan ugu deeqaysa dawladda, sidaas darteedna aan loo baahnayn mid lasoo iibiyo.Hase yeeshee wasiir Samsam waxay haddana hoos ahaan qandaraas ugu bixisay timirtii ay sheegtay in dawladda samafal ahaan loo siin-doono, iyadoo qandaraaskaasna siisay walaalkeed ‘Xaajiga’.
Maaha markii u horaysay ee ay wasiir Samsam walaalkeed qandaraas ugu gacan-galiso sifo aan sharci ahayn, balse waxa jiray kuwa kan ka horeeyey oo uu Xaajigu qaatay markii ay Samsam ahayd wasiirka waxbarashadda. Xaajiga oo garab ka helaya walaashii ayaa waxa uu safka hore kaga jiraa qurbo-joogta ku dhex milantay musuqmaasuqa hadheeyey qaababka loo bixiyo qandaraasyada iyo mashaariicda dawladda.
Ninkan oo sanado ka hor fadhigiisu ahaa dalalka UK iyo Imaaraadka Carabka waxa la tilmaamay inuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii soo alifay labada mashruuc ee mudooyinkii u danbeeyey bulshadu aadka u hadal-haysay, kuwaas oo kala ahaa 2 Mishiin oo lagu baadhayo tayada shidaal iyo mid lagu baadhayo gaadiidka dalka la keeno.
Inkastoo sharci Baarlamaan lagu laalay mashruucii tayada gaadiidka oo gadhwadeen ay ka ahaayeen Xaaji iyo Baashe, mishiinkii kale ee baadhista tayada shidaalka oo qiimihiisa dhabta ah lagu sheegay $350,000, ayaa waxa loo tirinayaa inuu galaaftay wasiirkii maaliyadda C/casiis Samaale ka dib markii uu hakad-galiyey bixinta kharash dhan hal malyan iyo badh doolar oo raga mashruucaa ku wada jiraa ku ku guulaysteen in laga siiyo khasnada dawladda.
Xigasho:Haatufnews.net.
