Uncategorized

Wefti ka Socday Punt land oo Taleex Socdaal ku tegi lahaa oo dib uga Gurtay, Eedayna u Jeediyay Somaliland

Garowe 24.April 2015 (SDN/QJ)- Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dekedaha Dowlada Puntland Dr Cabdilaahi Aaadan Ciise “Toohe” iyo Wefti uu hogaaminayay oo ka socday Maamul Goboleedka Punt land ayaa dib uga Noqday Magaalada Taleex oo ay ku sii Jeedeen kadib markii ay ogaadeen in Ciidamada Qaranka Somaaliland ay Ku Sugan yihiin Magaaladaasi si ay u Xaliyaan Gacan ka hadal dhimasho iyo dhaawac sababay oo ay isu gaysteen laba ardaa oo Magaaladaasi wada dega.

taleexWasiir ku Xigeenka Dekedaha Punt land waxaa uu maqal baahiyaha Radio Garowe uga warbixiayay Socdaalka ka dhicisoobay ee ay Taleex ku tagayeen isaga iyo Wasiiro ka tirsan Dowlada,Xildhibaano iyo Odayaal Dhaqameed taasoo uu sheegay in Somaaliland ay Carqalad ku noqotay.

Toohe Waxaa uu eedayn usoo jeediyay Xukuumada Somaliland oo uu sheegay inay Gardaro aan geed loogu soo gaban “Dhawaan Waxaa Dowlada Puntland wafdi u dirtay Wasiiro si ay u dhex dhexaadiyaan beelaha Walaalaha ah ee dirirti ku dhexmartay Degmada Taleex,Ciidamo Beeleedyadii is hortaagnaa waxaan ku guulaystay in aan la hadalno Runtiina waan ku guulaysanay,Waxaana haatan kusugana hay tuulo u dhow Taleex “ayuu Yiri Toohe.

Sidoo kalle Wasiirku xigeenku waxa uu eedayn u soo jeediayay Xukuumada Somaliland oo uu tilmaamay inay wadaan Gardaro aan geed loogu soo gaban “Maamulka Somaaliland waxay kusoo gabanayaa Beelahaan walaalaha ah si ay ula dagaalamaan Ciidanka Dowlada Puntland ee kusugan Goobta Dagaalku ka dhacay” ayuu Hadalkiisa kus oo gabagabeeyay Wasiirku xigeenku.

Shaqaaqada ka dhacday Deegaanka Taleex ayaa ka dhalatay kadib markii uu Sadex sanno ka hor Socdaal ku tagay magaaladaasi Wefti uu hogaaminayay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Punt land C.samad Cali Shire oo beesha uu ka soo jeedaa ay degmadaasi degto,Taas oo keentay in Koox imaatinkiisa ka soo hor jeedaa ay Ilaaladiisu rasaas ku fureen halkaasna uu ka dhashay Khasaare dhimasho oo beesha kale gaadhay,arrintan oo Mudadaas soo jiitantay ayaa beeshii Dhibanayaasha ahayd u dul qaadan waayeen inaan laga daw marin dilka ay beesha Cabdisamad Cali Shire kula kacday Waxayna taasi soo dedejisay Dagaal noocyada kala duwan ee Hubka la isu adeegsaday oo ay ku naf waayeen 6 Qof iyo 5 Dhaawac ah.

Ciidamada Qaranka Somaaliland ayaa Doraad galab gaadhay Magaalada Taleex iyagoo fadhiisin ka samaystay Meel u dhaxaysa labada Maleeshiyo ee labada Beelood ee dirirtu ka dhex dhacday.

Garowe SDN/QJ

contact@qurbejoog.com